4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 26, 2016
Wariye Cabdi Xaaji Goobdoon oo Xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday Magaalada Muqdisho


Talaado, Janaayo 26, 2016 (HOL) — Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Wariyeyaashii udub-dhexaadka u ahaa warbaahinta Somalia ayaa xalay si lama filaan ah ugu geeriyooday Isbitaalka Daarul-shifa ee magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka ayaa waxaa saxaafadda u xaqiijiyay wakaalkiis Abuukar Xaaji Goob-doon, isagoo xusay in marxuumka aanu qabin cudur, laakiinse uu sannadkii lasoo dhaafay kusoo booday cudur dhanka neefta ah ah oo dhowr jeer isbitaal loo dhigay, uuna kasoo kabsaday.

“Allaha u naxariisteen marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu Sannadkii 1936-kii ku dhashay magaalada Jigjiga, balse noloshiisa inta badan wuxuu ku qaatay Muqdisho oo uu wax ku bartay; wuxuu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Daarul-shifa, cudur uu u dhintayna ma sheegi karo, waayo wuu caafimaad qabay,” ayuu yiri Abuurka.

Sidoo kale, Abuukar Xaaji Goobdoon oo ay walaalo ahaayeen marxuum Cabdi X. Goob-doon ayaa wuxuu sheegay in marxuumku uu ku jiray cimriga 80-naadka, uuna ahaa qof uu Alle caafimaad ugu deeqay, balse waqtigii ayaa ku dhamaaday.

“Walaalkey wuxuu Radio Muqdisho ku biiray sannadkii 1961-kii, laba sano kaddib 1963-kii ayaa loo diray Radio Moscow oo uu ka mid ahaa raggii lagu aasaasay laanta baahisa Af Soomaaliga oo uu ka shaqeynayay illaa iyo 1971-kii,” ayuu yiri Abuukar Xaaji.

Isagoo sii hadlaya ayuu Abuukar sheegay in maxuumku uu ka mid ahaa raggii aasaaska u ahaa warbaahinta Soomaaliya, wuxuuna xusay in sannadkii 1971-kii illaa 1981-kii uu ahaa madaxii xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somalia.

Dhanka kale, Cabdi X. Goobdoon ayaa wuxuu soo noqday agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha, isagoo xilkaas hayay muddo afar sannadood ah, markaas kaddib waxaa loo bedelay Wasaaraddii shaqada iyo arrimaha bulshada oo uu muddo ka shaqeynayay.

Ugu dambeyn, Allaha u naxariisteen marxuum Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa ka mid ahaa xubnaha sida aadka ugu ololeeya in warbaahinta Somalia ay noqoto mid caalami ah, isagoo shirarka warbaahinteed ee Muqdisho lagu qabto si aad ah u dhex-muuqan jiray.

Si kastaba ha ahaatee, marxuumka ayaa isla maanta lagu aasayaa Muqdisho, wuxuuna marxuunku ifka uga tagay caruur fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ku kala nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya