4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 13, 2016
Madaxweynaha Somalia oo la kulmay madaxda sare ee Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe


Arbaco, Janaayo 13, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka furay degmada Jowhar shirka dhismaha maamulka labada gobol ayaa kulamo gaargaar ah xalay la qaatay ergada shirkaas iyo Guddoomiyayaasha labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Kulamada uu madaxweyne Xasan la yeeshay ergada ka qeyb-qaadaneysa shirka dhismaha maamulka labada gobol ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo salka ku haya sidii loo qancin lahaa beellaha tabashada qaba ee wali saluugsan sidda uu shirku ku furmaya iyo qorshaha dhismaha maamulka labada gobol.

Gaar ahaan madaxweynaha ayaa lagu waramayaa inuu kula hadlay guddoomiyayaasha labada gobol Hiiraan & Sh/dhexe, siddii loola fariisan lahaa beellaha looguna qancin lahaa in ay ka qeyb-gallaan shirka si loo helo maamul bulshada oo dhan ku wadda qanacsan tahay.

Ilo xog-ogaal ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in mudo labo todobaad ah dib loo dhigay shirka, sababo la xiriira ergada shirka oo wali kala dhiman iyo beelaha qaar oo aan si buuxda uga qeyb-galin.

Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Max'ed Xusseen Odawaa ayaa maalintii shalay ka sheegay shirka in waqtigu aad ciriiri u yahay, siddaa daraadeed looga baahan yahay ergada in ay ku dhaqsadaan dhismaha maamulka oo sidda uu hadalka u dhigay ah kan kaliya ee ka harsan nidaamka federaalka marka laga reebo gobolka Banaadir.

Inkastoo magaalada Jowhar maalintii shalay uu si rasmi ah uga furmay shirka dhismaha maamulka labada gobol, hadana waxaa jira beelo aan ku qanacsaneyn sida loo maamulayo shirka, kuwaasoo xusay inaysan ka qeyb-gali doonin shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya