4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 11, 2016
Hay’adda WHO iyo Soomaaliya oo kala Saxiixday Heshiis dhanka Caafimaadka ah (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 11, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somalia iyo Hay’adda Caamaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay  ee WHO ayaa Heshiis Caafimaadka Somalia lagu horumarinayo ku kala saxiixday Magaalada Nairobi ee Waddanka Kenya, kaddib shir socday muddo saddex maalmood ah.

Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa; mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Somalia iyo Qaramada Midoobay, waxaana heshiiska u saxiixday Soomaaliya Wasiiradda Caafimaadka, Xaawo Maxamed Xasan, iyadoo WHO uu u saxiixay madaxa Hay'ada WHO ee Somalia, Ghulam Popal Rabani.

“Halkaan, Waxaan ku kala saxiixanay heshiis labo sannadood ah oo ay hay’adda WHO iyo Wasaaradda caafimaadka Somalia, aad baan ugu faraxsan nahay in WHO oo muddo dheer caawinaysay dowladda Somalia ay maanta heshiis laba geesood ah oo lagu horumarinayo Caafimaadka Somalia kala saxiixdaan,” ayuu goobta ka yri Ghulam Popal.

Sidoo kale, heshiiskan ayaa ah mid lagu Horumarinayo Caafimaadka Dalka, Gaar ahaan ka Hor-tagga Cudurrada la is-qaadsiiyo AIDS-ka. Iyadoo Wasiiradda oo ka Hadashay Goobta ay sheegtay in Heshiiskaan uu kaalin ka qaadanayo sidii loo Horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya.

“Waxaan ku Faraxsan-nahay in heshiis labo sanadood ah aanu la saxiixano hay'adda WHO, barnaamijkan waa mid muddo badan laga soo shaqeynayay oo ka aadan Qorshe hawleedka caafimaadka Soomaaliya ee sannadaha 2016-ka - 2017-ka, markii wada-hadal lala yeeshay Maamul-gobaleedyada Dalka, Shaqaalaha caafimaadka, Dhakhaatiirta Dowladda dhexe iyo qof walba oo gacan ku leh adeegyada guud ee caafimaadka Dalka, waxaan arurinay xog ku aadan baahida caafimaadka ee ay qabaan ummadda Soomaaliyeed,” ayay tiri wasiir Xaawo Xasan Maxamed.

Dhanka kale, Wasiirradda Caafimaadka Somalia ayaa Waxay intaas ku dartay. “Waxa aanu muhiimad gaarka ah siinnay waa shan qodob oo uu ka mid yahiin cudurrada la is-qaadsiiyo Sida; Jadeecada iyo Dabeysha, Waxaanan Xoogga saari doonnaa Tallaalada Ilmaha Marka ay yar yihiin.”

Ugu dambeyn, Heshiiskan ay Xukuumadda Soomaaliya iyo WHO kala Saxiixdeen ayaa la filayaa in ay si weyn uga faa’iideystaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya