4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 8 , 2016
Shirka madasha oo laga sugayo waqtiga la qabanayo doorashada G barlamaanka iyo madaxweynaha

Khamiis, December,  08, 2016 (HOL) -- IYADOO  maalintii labaad magaalada Muqdisho uu ka soconayo shirka madasha-wadda-tashiga oo ay ka qeyb-gallayaan hogaamiyayaasha maamul gobolleedyada iyo madaxda Qaranka, ayaa lagu waddaa in ugu danbeyntii laga soo saaro war-murtiyeed lagu asteynayo waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

Shirka oo dhinaca kale marka la eego looga hadlayo qodobo waaweyn oo muhiim u ah geedi socodka doorashada, ayaa waxaa ka mid ah ajandayaasha hor yaalla ee u baahan in ugu danbeyntii xal laga gaaro tabashada Puntland ee ku aadan doorashada xubnaha aqalka sare ee gobollada W/qooyi oo ay Puntland ku doodday in la baalmaray hishiisyadii horay loogu gaaray shirarkii kan horeeyay oo leysku afgartay sidda loo qeybsanayo xildhibaannada ka imanaya gobollada W/qooyi.

Inkastoo guddiga doorashada dadban ee Soomaaliya horay u sheegeen in doorashada marnaba dhaafi doonin sanadkan 2016ka, haddana dhinaca kale waxaa soo baxaya shaki laga qabo waqtiga doorashada madaxweynaha oo dad badani rumeysan yihiin in bishan gudaheeda lagu qaban karin, marka la eego howlaha dhiman oo ay ka mid yihiin doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada W/qooyi & Puntland oo aan dhinaceeda wali soo dhameystirin xildhibaannadii looga baahnaa.



Danjiraha xog-hayaha guud ee QM Micheal Keating ayaa horay u sheegay in aan la aqbali karin in mar kale doorashada dib uga dhacdo waqtigii loo qabtay oo ah sanadkan 2016, waxaana muuqata cadaadis ka imanaya dhinaca beesha caalamka oo hogaamiyayaasha Somaalida culeys ku saaraya in bishan December la soo gabagabeeyo howlaha doorashada.

Doorashooyinka aqalka sare iyo hoose ee qabyada ah marka laga soo tago dhinaca kale waxaa jira kiisas culus oo ay gacanta ku hayaan guddiga xalinta khilaafaadka oo la xiriira xildhibaanno dacwado ku furan yihiin, kuwaasoo ku eedeysan in ay baalmareen habkii sharciga ahaa ee loo baahnaa in doorashadu ku dhacdo, waxaana kiisaskan xalintooda laga yaabaa in ay noqoto arin kale oo wati badan ka lumisa guddiga doorashada.

Ugu danbeyntii, waxaa siweyn isha looga wadda hayaan war-murtiyeedka ka soo bixin doona shirka madash-wadda-tashiga iyo sidda ay u maareeyaan hogaamiyayaasha shirsan waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya