4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 8 , 2016
Suldaan Soddon Booyadood oo biyo ah Maanta ku wareejiyay gudiga abaaraha ee Gobolka Sool


Khamiis, December 08, 2016 (HOL) — Suldaan Mustafe Maxamuud Aw-Seed ayaa sodon Booyadood oo biyo ah ku Wareejiyay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Sool Xilli Xaalad aad u Adag ay ka Taagan tahay Gobolka oo dhan oo aanay wax Roobab ah ka di’in xilli dayreedkii lasoo dhaafay.

Suldaanka ayaa sheegay in Guddiga Abaaraha ee ku dadaalka ugu jira sidii gurmad ay ugu fidin lahaayeen dadka dhiban oo soo kordhaya marba marka kasii dambeysa ay tahay mid ka ah qayb dadaal ay isaga iyo Beeshiisba ay ugu Diyaar-garoobayaan sidii ay Dadkooda ula qaybsan lahaayeen guddiga, isagoo xusay inay tani hordhac tahay.

Sheekh Siciid Axmed Cadar oo Wareejinta Deeqdaas ka hadlay ayaa Wuxuu sheegay in ay tahay mid wax weyn ka taraysa gurmadka ay hayaan, wuxuuna ugu duceeyay Suldaanka in ALLE ajar iyo xasanaad uu ugu beddelo.

“Waxaan ugu baaqayaa Bulshada deegaanka kasoo jeeda inay dal-joog iyo dibad-joogba ay guntiga xirtaan, Waqtigan adag ee soo wajahay Bulshada,” ayuu yiri Sheekh Cadar, isagoo intaas ku daray dhibaatada dalka ka jirta oo uu ku tilmaamay middii ugu adkeyd ee soo marta inta la xusuusan yahay.

Ugu dambeyn, Xaalada Abaareed ee ka taagan Gobolka Sool ayaa ah mid haatan caydh ka dhigtay Qoysas fara badan kuwaasoo ku soo xeroonaya Magaalooyinka oo aanay jirin wax kasoo horreeyay oo aan ka ahayn ehelladooda, iyadoo kuwa Haatan Xoolaha Haystaana ay sheegayaan inaanay Rajo fiican qabin hadaan Raxmaad Rabbi Imaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool