4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2016
Hay'adda culimada oo ka digtay tartanka gabdhaha ee K/Koleyga


Khamiis, December, 22. 2016 (HOL) -  Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa markii ugu horeysay ka hadashay tartanka K/Koleyga gabdhaha oo lagu wado in uu maanta ka furmo magaalada Garoowe ee dowlad
gobolleedka Puntland.

Tartanka waxaa ka qeybgalay gabdho laga soo kala xulay guud ahaanba dowlad gobolleedyada ka dhisan dalka iyo gobolka Banaadir, waan tartankii ugu horeeyay ee loo qabto gabdha kubada Koleyga ee gobolada dalka.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed, ayaa ka digay tartankaas, isaga oo ku tilmaamay macsi la doonayo in lagu fasahaadiyo hablaha Soomaliyeed.

 “Waxaa ka digeynaa ciyaaraha gabdhaha, ma ahan wax ay diinta islaamka ogoshahay, dhaqan ahaan iyo diin ahaan saameyn ayay keeni kartaa, in Gabdho dhar isboortis qaba oo bood boodaya, in isha lala raaco ama rag
ajaaniib ay daawadaan ma ahan wax diinta qabto, waa wax xishoodka ka hor imaanaya”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Guddoomiyaha ayaa tartankan ku tilmaamay in uu yahay mid la doonayo in dibada lagu soo dhigo cawrada gabdhaha oo loo soo daawasho tago.

 “Arrintaas waxay keeni kartaa halaag iyo dhibaato, waa macaasi la isku imaanayo, halaag iyo dhibaato bey keeni kartaa”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Ugu danbeyntii, tartanka cayaaraha kubadda Koleyga gabdhaha ee maamul goboleedyada oo maanta ka furmaya Garowe ayaa waxaa lagu furi doonaa gabdhaha kubadda Koleyga ee Hirshabeelle iyo Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan
[email protected]