4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 27, 2016
Maalinta Xaquuqda Insaanka Somalia oo Maanta laga Xusay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Sabti, August 27, 2016 (HOL) — Sanad kasta 27-ka August, waxaa laga xusaa Soomaaliya Maalinta Xaquuqda Aadanaha, iyadoo Munaasabadaha iyo kulamada la qabto looga hadlaa Heerka ay marayaan dhibaatooyinka la xiriira xaquuqul Insaanka.

Waxaa maanta lagu qabtay Muqdisho xaflad lagu xusayay maalintan, taasoo ay ka qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan golayaasha dowlada Somalia, xubno ka socday bulshada ra’yidka, dadka aanu lixaadkoodu dhameyn.

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha ee XF Somalia, ayaa soo qaban-qaabisay munaasabadda, waxaana dadkii hadlay ay mid ka ahaayeen inay muhiim tahay dhawrista xaquuqda insaanka maadaama horay ay u dhaceen xad-gudubyo dhanka bini’aadanimada ah.

Xuskan oo ahaa midkii Sideedaad ee Xuquuqda Insaanka Somalia ayaa waxaa ka mid ahaa xubnihii ka hadlay Wasiirka dhallinyarada Somalia Maxamed C/llaahi Xasan Nuux oo yiri. “Waxaan xooga saaraynaa ka wasaarad ahaan inay si siman dadku u helaan xaquuqahooda la xiriira dhinacyada Shaqada, Ka qayb-galka siyaasadda iyo helista fursadaha muhiimka u ah nolosha bani'aadamka, iyadoo aan la kala soocayn."

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya Canab Xasan Cilmi oo ka mid ahayd xubnihii ka hadlay xuska ayaa tiri. “Maanta waxaan dhaanaa xilliyo badan oo nasoo maray marka laga hadlo xad-gudubka iyo weliba tacaddiyada ka dhanka ah Xaquuqda Aadanaha, laakiin waa inaanan sidan looga harin oo lagu dadaalo sidii ay dadku Xuquuqdooda u heli lahaayeen, iyadoo aan la illaaweyn dadka uusan lixaadkooda kaamilka ahayn.”

Dhanka kale, Wasiiradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar oo iyaduna hadashay ayaa tiri. “Hal-ku-dhigga aanu sanadkan waa: xaqiijinta xaquuqda dadka doorashooyinka ka qayb-galaya, maadaama shaqada Wasaarada ay qayb ka tahay dhawrista Xaquuqda Aadanaha, waxaan u baahan inay shacabku fahmaan waxay tahay xaquuqda insaanka iyo sida ay laguma xad-gudbaanka u tahay.”

Ugu dambeyntii, Heshiiska Bulsho ama Dastuurka Waddanka - ayaa si weyn waxaa loogu xusay muhiimadda ay leedahay dhawrista Xaquuqda Aadanaha ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya