4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2016
ISBAHAYSIGA ISBEDELDOONKA (ISB-ISB): Midaynta Mucaaradka Xilliga Doorashada 2016

WAR-MURTIYEED, 12 Agoosto, 2016

Isbahaysiga Isbedeldoonka (ISB-ISB) waxaa ku bahoobay xisbiyo, madallo, murashaxiin madaxwayne iyo siyaasiyiin iskula qancay in isbedel siyaasadeed laga sameeyo Somaliya xilliga doorshada 2016.  Isbahaysigu wuxuu la socday qaabka ay uga wax u waday Madasha Madaxda Qaranka doorasha 2016, waxayna darseen warmurtiyeedkii kasoo baxay 9ka Agoosto 2016.  Haddaba, Warmurtiyeedkanu wuxuu soo gudbinayaa aragtida Isbahaysiga (ISB), waana sidan hoos ku xusan:

1.      Isbahaysigu wuxuu cambaaraynayaa ku tumashada dastuurka iyo muddo kordhinta loo sameeyay madaxweynaha oo xilkiisu ku egyahay 10ka Bisha September 2016.   Muddo kordhintu waxey liddi ku tahay qodobka 91aad ee Dastuurka oo qeexaya muddada madaxtinimada dalka inaysan dhaafin 4 sanno oo ku began 10ka September 2016.

2.      Isbahaysigu wuxuu kasoo horjeeda in Madasha Hogaamiyayaasha Qaran ay udhaqmaan  sidii iyagoo ah sharci dejiyayaal, kana hadlaan hawlaha laga rabo baarlamaanka soo socda 2016 inuu qabto;  sida in lagu qasbayo xildhibaannada inay kubiiraan xisbiyada muddo 2 sano gudohood ah, haddi kale ay waayayaan maqaamka xildhibaannimadooda.

3.      Isbahaysigu wuxuu ka walwalsanyahay madax-banaanida Gudiga Doorshadda iyo aragtida lagu saleeyay kordhinta xilliga doorashada oo ay ka muuqato waqti kororsi kale marka uu dhamaado kan hadda la faafiyay ee ku eg 30ka bisha Oktoobar, 2016.

4.      Isbahaysigu wuxuu u arkaa in ayan sax aheen lacagta diiwaangelinta murashixiinta oo kala ah 5,000 Golaha Shacabka iyo 10,000 Aqalka Sare.  Arinkaan waxay kasoo horjeeda xuquuqda muwadiniinta iyo usinaanta fursadaha haddii la isku xiro hanti-lahaanshaha iyo ka qaybgalka siyaasadda. Wuxuu kale uu horseedayaa laaluush siyaasadeed oo ka dhalanayaa in kharajka isdiiwaangelinta laga bixiyo xildhibaanadda, shardina looga dhigo iney codkooda bixiyaan.

5.      Isbahaysigu wuxuu ka walbahaarsan yahay cawaaqi-xumada ka dhalan karta musuqmaasuqa iyo eexda laga sameeyo goobaha doorashooyinka 2016, taas oo horseedi karta colaad cusub iyo nabadgelyo xumo.

6.      Isbahaysigu waxuu ka walwalsanyahay nabadgalyada Dhaqanka, Guurtida iyo Siyaasiyiinta u tartamaya laba gole iyo murashaxiinta madaxtnimada dalka oo ayan jirin cid nabadgelyadooda damaanqaaday ayada oo ay jirto nabadgalyo xumo guud iyo mid ka dhalan karta doorashada 2016.

Sidaas darteed Isbahaysigu wuxuu soo jeedinayaa:

a.       In Madaxweynuhu xilka ku wareejiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka 10ka bisha September, 2016, taas oo waafaqsan dastuurka dalka qobobka 95aad.

b.      In laga hawlgalo sugidda amaanka Dhaqanka, Guurtida, Musharaxiinta 2da Gole, Musharaxiinta madaxwaynaha, Siyaasiyiinta iyo shaqaalaha ku hawlan goobaha doorashooyinka 2016.

c.       In wax laga bedelo lacagta diiwaangelinta murashixiinta labada gole oo laga dhigo wax ay awoodi karaan murashixiintu intooda badan, siinaysana fursado loo simanyahay.

d.      Waxaan ku baaqaynaa in hogaamiyayaasha mucaaradka awoodooda isugu geeyaan sidii dalka loogu samayn lahaa isbedel dhab ah, loogana badbaadin lahaa tallada dalka xukuumada hadda fadhiidka ah oo ku fashilantay wax kasta, kuna tumatay dastuurka, kana weecatay masiirkii umaddu tiigsanaysay.

e.       Ugu dambantii, Isbahaysigu wuxuu soo bandhigi doonaa talobixin daahfurnan oo uu kusoo bandhigaayo qaabka doorashada 2016.  Talobixintaas waxaan la wadaagidoonaa dhamaan inta ay khuseyso, uguna horeeyo shacabka Somaaliyeed.

Xubnaha Isbahaysiga Isbedeldoonka

1.      Cabdi Faarax Shirdoon, R/Wasaare Hore

2.      Cabdiwali Sheikh Axmad, Gudoomiyaha Xibiga Madasha Wadaniga, R/wasaare hore, musharax madaxwaye 2016.

3.      Cabdiraxman Sheikh Moxamad Faroole, madaxwaynihii hore ee Puntland, musharax madaxwayne 2016.

4.      Cabdullahi Goodax Barre, wasiirkii hore ee Wasaarada Arimaha Gudaha FDS.

5.      Cabdullahi Ciilmooge Xirsi, Gudoomiyaha Xisbiga Isbahaysiga Isbedeldoonka Somaaiyeed (XIIS), wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, iyo Gaadiidka Cirka & Dhulka, DFS.

6.      Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha Madasha Cadaalada iyo Horumarinta (NFJD), musharax madaxwayne 2016

7.      Dr. Cabduraxman Macallim Cabdullahi (Baadiyow), G/Kuxigeenka Xisbiga Madasha Waddaniga, murashax madaxwayne 2012.

8.      Dr. Cabdinasir Cabdille Moxamad, Gurmad, musharax Madaxwayne 2016