Xildhibaano Baarlamaanka Somalia ka tirsan oo War-murtiyeed kasoo saaray Nairobi (SAWIRO)

Jimco, Abriil 01, 2016 (HOL) — Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo fasax dib uga soo laabanaya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Hoteel Intercontinental ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxay kaga hadleen xaalada guud ee dalka sida; Amniga, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Mudanayaashan oo tiradoodu ka badnayd 40, ayaa waxay kulankooda iskula soo qaadeen sida ugu haboon ee loo maareyn lahaa kulammada kal-fadhiga 8-aad ee dhawaan furmaya, iyagoo aragtidooda kusoo koobay qodobbada soo socda:

1. Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda FS, shacabka Soomaaliyeed (Gudaha iyo dibadda) iyo Beesha Caalamka inay gurmad dhaqso ah u fidiyaan dadka abaaruhu wax yeeleeyeen.

2. Xildhibaannada waxay tacsi u dirayaan dowladaha iyo shacabkooda oo ay ciidamaddu uga geeriyoodeen gudaha Soomaaliya, iyagoo naftooda u huray la dagaalanka cadawga Soomaaliyeed.  Shacabka iyo Dawladda Soomaaliya way ka xunyihiin dhiiga ciidamada dalalkaas oo dhiigoodu ku daatay dalka Soomaaliya, taariikhda Soomaaliyana baal dahab ah ayay kaga qoran yihiin;

3. Waxaan hambalyo iyo guubaabin u soo jeedinayaan Maamullada, Shacabka iyo ciidanka xoogga dalka ee Puntland iyo galmudug sida geesinimada iyo adkaasha leh ee ay uga hortageen fiditaanka argagixisada, waqti gaabanna ay ku soo afjareen.  Waa talaabo ku dayasho mudan oo aan ugu baaqayno in dalka intiisa kale looga daydo;

4. Iyadoo la eegayo danta guud ee dalka, dadka iyo dastuurka, waxaa lagama maarmaan ah baarlamaanka 10aad waa in uusan doorashudu dhaafin 20-ka August 2016-ka, sida uu qabo sharciga iyo Dastuurka dalka;

5. Waxaan ka digaynaa siyaasadda “daahi oo daali” oo laga leeyahay in lagu fushado dano gaar ah.  Waxaan xukuumadda Somalia looga fadhiyaa, in iyadoo tix-gelinaysa Qaraarkii Barlamaanka, ay soo gudbiyaan go’aan wadar oggol ah, oo lagu soo doorto Barlamaanka 10aad.  Waxaan Beesha Caalamka ee danaysa arrimaha Soomaaliya ugu baaqaynaa in ay la yimaadaan cadaadis siyaasadeed oo baajiya in Soomaaliya gasho jaahwareer siyaasadeed;

6. Hannaanka iyo wadiiqada loo marayo yagleelida baarlamaanka 10-aad waa inay ahaataa mid ay u caddahay shacabka Soomaaliyeed, kana madax banaan ku danaysi siyaasadeed.  Shaqsiyaadka tartamaya waa in laga ilaaliyaa in aysan saamayn toos ah iyo mid dadbanba ku yeelan habsami u socodka hanaanka iyo wadiiqada loo marayo soo xulida Barlamaanka soo socda;

7. Waxaan xukuumadda Somalia ugu baaqaynaa in Puntland iyo cidii kaloo wax tabanaysa la dhageeysto lana qanciyo;

8. Waxaan ku baaqaynaa xukuumada Somalia iyo xafiiska Madaxweynaha inay faraha kala baxaan, kana foojignaadaan iska horkeenida guracan ee dhaqanka, duubabka iyo shacabka reer Hiiraan lagu hayo. Sidoo kale, waxaan Xukuumada iyo Xafiiska Madaxweynaha ugu baaqaynaa in la adkeeyo midnimada beelaha walaalaha ah ee wada dega Gobolka Hiiraan;

9. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Ciidamada D’Jabouti ee “Hiil-Walaal” oo si wax ku ool ah u garab istaagay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Hiiraan. Isla markaana, waxaan ka codsanaynaa Madaxda Ciidamada D’Jabouti ee “Hiil-walaal” in aan loo adeegsan wax keeni kara iska horkeenka shacabka reer Hiiraan iyo “Ciidamada Hiil-walaal”;

10. Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maqaamka Caasimada Somalia noqonayso ka soo saari doona sharci. Waxaan bogaadinaynaa, ammaanna u soo jeedinaynaa shirkii shalay lagu qabtay Xayaat Hoteel ee magaalada Muqdisho ee lagu diiday sheegashada Caasimadda Qaranka in ay qolo gaar ahi leedahay. Waxaan uga digaynaa, shaqsiyaadka damacsan in ay marin-habaabiyaan qaabka loo marayo qeexida maqaamka caasimada dalka, in aysan shacabka degan Benadir ay marin habaabiyaan;

11. Waxaa la filayaa in kalfadhiga 8aad Xubnaha Barlamaanka Federaalka lagu gorfeyn doono go’aamo badan oo masiiyri ah.  Sidaa darteed, waxaa dhammaan xildhibaannada Baarlmaanka loogu baaqayaa in si mug xoog leh looga soo qayb galo kalfadhigan 8-aad;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya