4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2015
Kooxo Hubeysan oo Xalay Macallin ku Toogtay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir


Arbaco, September 09, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku Toogtay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir Macallin, Xilli uu ku Dhawaa Hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Macmacaanka ee Degmada Dharkeynley.

Dableyda toogatay macallinka ayaa la sheegay inay Bastoolado ku hubeysnaayeen , iyagoo Dilkan kaddibna goobta ka baxday, lama oga sababta ay u toogteen macallinkan oo ka mid ahaa kuwa wax ka dhiga iskuullada degmadaas ku yaalla.

Ruux Goob-jooge ah ayaa u sheegay Warbaahinta in Macallinka la Toogtay lagu Naynaasi jiray Caano-geel, kaasoo aad looga yaqaanay xaafadda Macmacaanka ee xalay lagu dilay.

“Macallinka waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan oo dhowr ruux ah, isla markiiba way baxsadeen, lama oga sababta loo dilay, wuxuuna macallinkan oo lagu naynaasi jiray Caano-geel uu ka mid yahay dadka sida aadka ah xaafadda Mac-macaanka looga yaqaan,” ayuu yiri Goobjoogaha oo magaciisa Qariyay.

Toogashada kaddib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidammada Amniga Degmada, inkastoo aanay jirin howlgal ay sameeyeen ama dad ay dilkaasi u soo qabteen; mana jirto cid weli sheegatay Mas’uuliyadda dilka macallinkan.

Ugu dambeyn, Degmada Dhageykeynley ee Gobolka Banaadir ayaa Sannadkan aynu ku jirno lagu dilay dhowr ruux oo isugu jiray shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya