4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2015
WASIIR CAYNTE: Waxaa Wadnaa Sidii Dalku u yeelan lahaa Qorshe Dhanka Dhaqaalaha ah


Sabti, September 19, 2015 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka Somalia, C/raxmaan Sheekh Yuusuf Cali [Caynte] ayaa Shaaciyay maanta inay wadaan Qorshayaal lagu Horumarinayo dhaqaalaha dalka, maadaama dalka uusan 25-kii sano ee lasoo dhaafay lahayn Qorshe dhaqaale oo dagsan.

C/raxmaan Caynte ayaa Sidoo kale ka hadlay Howlaha Wasaaraddiisa Horyaalla Muddada horreysa Sanadka 2016-ka oo howlaha dowladda ay ku eg-yihiin, markaasoo la filayo inuu dalku galo xilli kala guur ah; ayna dhacdo doorasho, inkastoo aan si rasmi ah Go'aan looga gaarin Doorashada dhacaysa nooca ay noqon doonto.

“Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxa saaran mas’uuliyad ay ugu waaweyn yihiin laba mas’uuliyadood oo kal ah; In dalka ay u sameyso Qorshe Qaran oo Xagga Hormarinta dhaqaalaha ah, maadaama 25-kii sano ee la soo dhaafay aanu dalku lahayn Qorshe Qaran. Seddaxdii Sano ee lasoo dhaafay waxaa Qorshe Qaran inoo ahaa New Deal-ka, isagana ku soconnay, Marka midda aan doonayno waa in dalku uu yeesho Qorshe Qaran oo marka uu Dhammaado New Deal-ka bisha August ee Sannadka 2106-ka, Qorshahaasoo Shacabkeennu heshiis ku yihiin,” ayuu yiri Caynte.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray. “Qorshaha kale ee inoo xiga taasna waxa weeye inaan helno Waddooyin, Isbitaallo, Iskuullo, Warashado, Meelo korontada laga dhaliyo, meelo biyaha lagu nadiifiyo, tabartii dhaqaale ee loo baahnaa aanu dalku lahayn hadda. Marka waxaan u baahan nahay in awoodii dhaqaale ee aan heli karno maahane tan kale aan Saaxiibada Soomaaliya aan ka baadi goobno.”

“Mas’uuliyadda Labaad Waxay tahay sidii wixii aan Qoranay ee Qorshaha ahaa aan u raadinno taageero dhaqaale, dabcan howlo kale ayaa Wasaaradda u dheer oo ay ka mid tahay Anigana iga hor billowday oo ahaa in shacabka Soomaaliyeed tiradooda Qiyaas lagu sameeyo, waana midda aan sii daynay Sahankii Qiyaasta, dood badanna dhaliyay. Hadana waxaa nalaga doonayaan inaan sameyno tiro-koob rasmi ah oo shacabka Soomaaliyeed cadadkooda ku saleysan, waayo midii hore qiyaas ayay ahayd, iyana Waajibaadka Wasaaradda u yaalla ayay ka mid tahay,” ayuu mar kale yiri Wasiir C/raxmaan Caynte.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay doorasho dalka ka dhacda ayuu yiri. “Dabcan Mas’uuliyadda Dalka oo dhan taalla weey taas; lakiinse waxa ugu muhiimsan oo hadda Dastuuriyan noo yaalla waa in laga shaqeeyo in dalka uu ka dhaco tartan doorasho ah sannadka 2016-ka, Sida la ogyahayna Muddada Dastuuriga ah ee Dowladan waxay ku eg-tahay Ogoosto, 2016-ka, markii xilligaa la dhaafo wixii ka dambeeya waxaa loo baahnaan doonaa in umadda Soomaaliyeed ay doortaan ciddii xukumi lahayd, balse qaabka lagu soo dooran lahaa weli lama caddeyn; howsheediina waa lagu jiraa, waana in dowladda oo shacabka oo dhan ay si guud uga tashadaan arrintan; halkaasna ay kasoo baxdo hanaankii doorasho ay ku dhici lahayd marka la gaaro 2016-ka.”

Wasiirka oo la weydiiyay su’aal ahayd in 2016-ka ay soo dhaw-dahay, iyadoo la sheegay in dalka aysan doorasho Qof iyo Cod ah ka dhici karin, marka sided ayay kuula muuqataa in doorasho ay dalka ka dhici karto, isagoo ku jawaabay.

“Runtii Arrinta ku saabsan doorashada 2016-ka, Dowladda Somalia, maamullada kale ee Dalka ka jira iyo Beesha Caalamka mabda’ ayay ku heshiiyeen, waxaana ka mid ah in loo baahan yahay Qaabka doorashada u dhacayso sannadka 2016-ka inuu noqdo mid ummadda Soomaaliyeed ay taladeeda yeelato oo aanay Dowladdu keliya ku ekaan, Waxaana Bishan 20-keeda oo Berri ah dhici doona kulan wada-tashi ah oo ballaaran kaasoo ay ka qaybgaeli doonaan dhammaan maamullada dalka ka jira iyo madaxda dowladda Somalia, si go’aan looga gaaro doorashada qaabka ay ku dhici doonto.”

Ugu dambeyn, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalmaiga ah ee Somalia, C/raxmaan Caynte ayaa wareysigan oo dhinacyo badan taabanayay siiyay Radio Goobjoog oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya