4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
SAWIRO: Ardaydii ugu tiro badnayd oo ka qalin-jabiyay kuliyada Caafimaadka Jaam. Banaadir


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Arday tiradoodu gaarayso 132 dhakhtar oo ka qalin-jabiyay kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ayaa maanta xaflad loogu qabtay xarunta jaamacadda ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ahayd mid ardaydaan qalin-jebisay oo 24 kooxood loo qaybiyay ay ku difaacanayeen buugga qalin-jebinta, waxayna soo bandhigeen cilmi-baarisyo ah oo dhowr-bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Waxaa munaasabaddan ka qayb-galay mas’uuliyiin iyo macallimiin jaamacadda Banaadir, ardayda difaacanaysay buugga qalin-jabinta, aqoon-yahanno, waaliddiin iyo marti-sharaf kale.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka jaamacada Banaadir Dr, Maxamed Maxamuud Biday oo xafladda ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ardaydan qalin-jabisay ay wixii maanta ka dambeeya yihiin dhakhaatiir qaliinno sameyn kara, waxna daweyn kara, isagoo xusay in ardaydan ay muujiyeen dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda kaddib dhakhaatiirta ka baxday Jaamacadaha caalamka, maadaama ay haystaan buu yiri shahaado caalamka laga aqoonsan yahay.

“Anigoo ku hadlaya magaca maamulka, macallimiinta, hormuudyada iyo mu’asasadda jaamacadda Banaadir, waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhowaaqo in 132-arday ay ka qalin-jabiyeen kulliyada caafimaadka, ayna wixii maanta ka dambeeya yihiin dhakhaatiir,” ayuu yiri Dr. Biday oo halkaas ka akhriyay magacyada 26 arday oo galay darajada A iyo A+, isagoo xusay inuu kaalinta 1-aad ku guuleystay Dr. C/fitaax C/llaahi Jaamac.

Sidoo kale, guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu farxadda uu la wadaagayo ardayda ka qalin-jabisay kulliyada caafimaadka oo uu sheegay inay yihiin kuwii ugu badnaa ee mar kaliya ka qalin-jabiya kulliyadda caafimaadka mudadii 12-ka sano ahayd ee Jaamacada Banaadir ay jirtay, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda Banaadir iyo calaamad muujinaysa horumarka ay ku tallaabsatay.

“Maanta waa maalin farxadeed maadaama ay Jaamacadda Banaadir ka qalin-jabinayaan dufcaddii 8-aad ee soo dhameysata kulliyada dhakhtarnimada kaddib lix sano oo dadaal dheer iyo Juhdi badan lasoo waday, siddeeda dufcadood marka la isku geeyana waxay soo saartay Jaamacaddu 420-dhakhtar, wixii maanta ka dambeeyana waxaad tihiin dhakhaatiir, mas’uuliyad buuxda ayaana idinka saaran caafimaadka bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Guddoomiyaha Mu’asasada Jaamacada Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna xafladda ka hadlay ayaa yiri. “Jaamacaddii ummadda oo dowlad awood leh ay ku haysay gacanta; 10-kii sano ee ay jirtayna waxay soo saartay 497-dhakhtar. Jaamacadda Banaadir oo 12-jirsatayna waxaa iyaduna soo saartay 420-dhakhtar dadaalka Jaamacaddu muujisay ayay tani astaan u tahay.”

Dhanka kale, Prof. Cismaan X. Max'ud Dufle oo ka tirsan aasaasayaasha iyo macallimiinta Jaamacadda Banaadir ayaa sheegay inay ardayda ka qalin-jabisay kulliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir yihiin kuwa ugu nasiibka badan maadaama kulliyada ay ku kulmeen macallimiintii ugu badnayd ee wax ka dhigi jiray jaamacaddii ummadda.

“Anigoo ku hadlaya magaca guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka, waxaan u hambalyeynayaa ardayda qalin-jabisay oo ah tiradii ugu badnayd ee mar kaliya ka qalin-jabisa jaamacad ku taalla Somalia. Wax yar ka hor arday baad ahaydeen, balse hadda waxaad tihiin dhakhaatiir xil culus ayaana dusha idiin saaran,” ayuu yiri Prof. Dufle.

Ugu dambeyn, waxaa xafladda hadalo kooban iyaguna kasoo jeediyay xubno ku hadlayay magaca ururro ay leeyihiin ardaydii xilli hore ka aflaxay Jaamacadda Banaadir iyo aqoon-yahanno kale, waxaana xafladdu ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya