4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Howsha Dhismaha Maamul-goboleedka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo laga Warbixiyay


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Wasaarada arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka war-bixisay halka ay marayso howsha dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo shabeellada, iyadoo wasaaraddu ay xustay in howshu ay marayso  meel wanaagsan.

Afhayeenka wasaarada, C/fataax Daahir Mire ayaa sheegay in wasaaraddu ay wado howlo ay ku doonayso in lagu hirgaliyo maamulkaas. Isagoo intaa raaciyay in dhawaan ay qaban-doonaan shirar dib u heshiisiineed oo lagu qabanayo degmooyinka Jowhar & Baladweyne, kuwaasoo shacabka gobolladan ku nool la isugu keenayo.

“Howsha dhismaha maamulka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan meel wanaagsan ayay maraysaa xilligan. Waxaan lagu dhawaaqayaa guddigii farsamada oo maalmahan laga shaqeynayaya, meeshii shirka uu ka dhici lahaa, muhiimadduna waa in la sameeyo qorshe si wanaagsan looga soo shaqeeyay,” ayuu yiri afhayeenka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Wasaaradda arrimaha gudaha Somalia aad ayay howlahan u taqaannaa, waxayna ku dhistay maamulllada Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Galmudug. Muhiimadda federaalku waa in dadku maamul ay raalli ka yihiin sameystaan.”

Dhanka kale, afhayeenka wasaaradda amniga ayaa tilmaamay in kulammadaas kaddib la billaabi doono dhismaha maamulka labada gobol, isagoo intaa ku daray in wasaaraddu ay ku howlan-tahay dhismaha guddiyada dhismaha maamulkaas hoggaanka u noqon lahaa.

Ugu dambeyn, waxay wasaaraddu xustay in dhawaan uu furmi doono shirka lagu dhisayo maamulka gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan; inkastoo dhowr jeer ay ku yimaadeen dib u dhacyo ay wasaaraddu ku sheegtay cillado farsamo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya