4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
MUDANE XUKUN: Somalia uma baahna Ciidan Shisheeye ee ha loo Tababbaro Ciidamadeeda


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed oo ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya u metelaya baarlamaanka Afrika ee dhawaan kulammadiisu ay ka furmeen dalka Koonfur Afrika, waxaana ka mid ahaa qodobbadii looga hadlay arrimaha amniga iyo nabadgalyada, iyadoo lagu soo hadal-qaaday dalal badan oo dhibaatooyin amni ay ka jiraan oo ay ugu horreyso Somalia.

C/casiis Xukun oo ka qayb-qaadanayay dooddii arrintaas laga yeeshay ayaa madasha ka sheegay in amniga Somalia uu kasoo reenayo; marka loo eego sidii hore, ayna ka ammaan roon tahay dalal badan oo Afrika iyo caalamka ah, laakiin Somalia ay u baahan tahay inay hesho dhaqaale ay ciidamadeeda xoogga iyo kuweeda ammaanka ku tababarto, kuwaasoo wax badan ka qaban kara wax-yaabaha yar-yarka ah ee ammaan-darrada ah, isagoo xusay in Somalia aysan u baahneen inay nabad-gelayadeeda iyo ammaankeeda sugaan ciidammo shisheeye ee ay u baahan tahay in ciidamadeeda loo tababaro loona qalabeeyo.

“Somalia waxay hadda ka amaan-wanaagsan tahay dalal ay ka mid yihiin; Jamhuuriyadda Bartamaha Dhexe, Burukiina Faaso, Koonfurta Suudaan iyo waliba wadamada dariska ah qaarkood. Somalia xilligaan waxay u baahan tahay in laga taageero dhismaha ciidammo ammaan oo isku-dhaf ah oo dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada dalka yeeshaan,” ayuu yiri xildhibaan C/casiis Xukun oo la hadlayay warbaahinta kulanka kaddib, isagoo intaas ku daray in hadda ay ka socoto waddanka dadaallo lagu xoojinayo amniga guud.

Ugu dambeyn, kulankii ammaanka nabad-galayada Afrika looga hadlayay ayaa waxaa sannad walba lagu soo bandhigaa warbixinno looga hadlyo dalalka ay ka taagan yihiin xasaradaha iyo qalalaasaha ee Afrika, kuwaasoo laga tashto sidii wax looga qaban lahaa, gacanna looga siin lahaa dowladahaas si ay dalalkooda u xasilin lahaayeen.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika