4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
WASIIRKA MAALIYADA: Miisaaniyaddii aan ka sugayay Caalamka oo ah 49% nama soo gaarin


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa maanta hortagay baarlamaanka federaalka Somalia, si wax looga weydiiyo sida ay ku baxday miisaaniyadii sannadkan 2015-ka, wuxuuna ka bixiyay sharraxaas sida ay ku baxday 49-milyan oo soo xarootay shantii bilood ee ugu horreysay Sannadkan lagu jiro, Mushaar la’aanta Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada iyo weliba dhaqaalo la’aanta soo wajahday dowladda.

Fargeeti ayaa sharraxay howla ay Wasaaradda Maaliyaddu u hayso dalka, caqabadaha soo Food-saaray Miisaaniyadda iyo Horumarrada ay ka sameysay Wasaaraddiisa dhanka isla-Xisaabtanka dhanka maaliyadda dalka.

“Wasaaradda Maaliyada waxay ku howlan tahay dib u habaynta maaliyadda dalka, waxaan ku guulaysanay Hirgelinta Nidaam Caalamku aqoonsan yahay oo loo yaqaan FMIS, Waana qaab electornic ah oo lagula Soconayo Dhaq-dhaqaaqa lacagaha laga baxinayo Wasaaradda illaa Bangiga Dhexe iyo goobaha uu dakhliga kasoo xaroonayo, waana mid Mudan in lagu faano. Wasaaraddu Waxay Diyaar u tahay in Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliyeed u soo Gudbiso kharashkii Shantii bilood ee ugu Horreysay Sannadkan soo xarootay iyo siday ku baxay. Waxaa kaloo Wasaaraddu ku Howlan Tahay Diyaarinta Shuruucda lagu Hagayo Maaliyada dalka oo ay ka mid yihiin: Sharciga iibka Qaranka oo horyaalla baarlamaanka, Sharciga hufnaanta iyo maamul-wanaagga, sharciga lacag been xalaalaysiga ee ah (Money Laundry) iyo sharciga Canshuuraha,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Somalia.

Intaa kaddib xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa billaabay su’aalo ay weydiinayaan wasiirka, waxaana su’aashii ugu horreysay weydiiyey mudane C/llaahi Jaamac Kabaweyne oo yiri; Maxaa sababay mushaar la’aanta soo food saartay Ciidamada, shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda iyo Xildhibaanada Baarlamaanka? Wuxuuna kaga jawaabay.

“Miisaaniyadda dowladda 51% ayaa loo qorsheeyay inay noqoto Dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda. 49% waxaa loo Qoondeeyay inay noqoto deeqaha dibadda ka yimaada oo mar kasta lagu saleeynayay miisaaniyada sannadihii lasoo dhaafay, Halka Dhaqaale-xumadu ka timidna waa iyadoo aysan kasoo xaroon Hal Doollar lacagtii laga filayay Dibadda, Arrinka kale oo dib u dhaca ku keenay Mushaaraadka waa lacagihii uu bixin jiray World Bank oo Heshiiskeedu ahaa Hal Sano ayaa is-bedel uu ku yimid, kaddib markii Bishii Febarayo uu dhaammaatay waqtigii heshiisku dhigayay. Waxaan hadda ku Guulaysannay inaan heshiis la saxiixano Bangiga Adduunka, kaasoo ay ku kabayaan mushaaradka Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Somalia, waxaana ku rajo weynnahay in bisha Maarso laga soo billaabayo mushaaradka, lacagahaasna aan ka sugayno Bangiga Adduunka inuu bixiyo.".

Wuxuu kaloo Wasiirku ka jawaabay Su’aal kale oo ku saabsanayd joojinta Hanti-dhowrku uu joojiyay Waarannadii Bangiga looga dalbanayay Lacagaha isagoo yiri. “Hanti-dhowrka sharciga Maaliyada u degsan wuxuu xaq u leeyahay inuu diiwan-galiyo waaranada, isagoo eegaya inuu waarannku miisaaniyadda ku jiro, Haddii uu arko in uusan ku jirin wuu joojin karaa waarankaas, laakiin sharci ahaa dhammaan dhaqdhaqaaqyada lacagaha dowladda ma hor-istaagi karo umana lahan sharci.”

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Macluumadka ku aaddan Dhaq-dhaqaaqa Maaliyadda Dowladda ay mar kasta la Wadaagaan Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Somalia. Wuxuu kaloo Sheegay inay Xusid mudan tahay Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF Warbixintii ay soo saaratay dhawaan ay ku ammaanay Habka dowladdu u maarayso Maaliyadda, Waxayana IMF-tu ka digtay in Miisaaniyadda Dalka aysan ahayn mid waaqici ah oo ka turjumaysa marxaladda dalka, taasoo sabab u ah deeq bixiyayaasha caalamka oo ka gaabiyay inay miisaaniyadda dalka kabaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya