4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
DAAWO: Shirka Jaraa'id ee Ra'iisul Wasaaraha Dowladda Somalia iyo Madaxweynaha Jubbaland
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) —


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) —Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa gudaha garoonka diyaaradaha kulan kula qaatay madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

Wafdiga Raysul wasaaraha ayaa markii ay soo dageen, waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay gudaha garoonka, waxaana intaa kadib loo gelbiyay hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo, halkaasoo kulamo saacado badan qaatay ay ku yeesheen raysul wasaaraha iyo madaxweeynaha Jubbaland.

Kulamadan oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd, ayaa markii ay soo dhamaadeen, waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay madaxweeynaha Jubbaland iyo raysul wasaaraha Soomaaliya.

Labadan masuul ayaa waxa ay sheegeen in kulamadooda ay ku saabsanaayeen sidii loo xalin lahaa khilaafaadka soo kala dhexgalay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, iyadoo ay sheegeen in ay isku afgarteen in la dhiso guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya sidii loo xallin lahaa khilaafka siyaasadeed ee jira.

Raysul wasaaraha iyo xubnihii kale ee wehlinayay ayaa kulamada kadib dib uga duulay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, iyagoo u ambabaxay dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.