4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
SAWIRRO: Madaxweyne Xasan oo Maanta Wafdi ka Socday Ururka IGAD kula Kulmay Muqdisho


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Wafdi ka socda urur-goboleedka Bariga Afrika ee IGAD oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin.

Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn Wafdiga uga Mahad-celiyey doorka IGAD ay ka qaadato Arrimaha Soomaaliya. Isagoo kala hadlay mas’uuliyiinta xaaladda dalka Somalia, Hiigsiga 2016 ee dalka looga qabanayo doorasho iyo halka ay marayaan barnaamijyada dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta ee Waddanka ka socda.

Sidoo kale, Xog-hayaha Guud ee Ururka IGAD, Maxbuub Macallin oo isna hadlay ayaa ammaanay horumarka siyaasadda iyo nabadgelyada ah ee Soomaaliya ay ku tilaabsatay, isagoo intaa raaciyay in IGAD aysan ka daali doonin taageerada ay u fidiso Soomaaliya illaa inta dalka uu dib cagihiisa isugu taagayo.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku dhammaaday jawi is-afgarad, waxaana goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo xubno kale oo ka socday urur-goboleedka Bariga Afrika ee IGAD.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya