4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
Xarunta HRC oo muujisay walaaceeda ku aadan Xaalada Qoxootiga Yemeniyiinta ah ee Berbera

Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa Walaac ka muujiyey xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qaxootiga Yemeniyiinta ee ku nool Berbera iyo Hargeysa.

War-saxaafadeed ay ka soo saartay hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha ee xarunteeddu tahay magaaladda Hargeysa ayaa xukuumadda iyo beesha caalamka ka codsatay in la caawiyo qaxootigan oo duruuf adag ku nool.

“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa.  Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo”ayuu yidhi Guuleed Axmed Jaamac oo ah guddoomiyaha xarunta xuquuqda insaanka ee Somaliland.

Waxaanay intaas ku dareen “Xaruntu waxay indheheeda ku soo aragtay qoysas ku dul seexda sibidh madhan oo aan waxba dusha ka saarnayn. Xaaladoodu waa mid aad u xun, gaar ahaan caruurta. Dadkani ma helaan taageerada ay u baahan yihiiin sida guryaynta, cuntada, waxbarashad iyo diiwaangelinta. Duruufta ay ku nool yihiin waa mid aad u liidata. Meelaha qaar dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay oo siiya waxay quutaan maalin, kana bixiyay kirada bil ama laba. Waxay ka cabanayaan in laga saaro guryaha waayo iskama bixin karaan kirada. Waa dad la dayacay oo ku nool xaalad xun”.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda QM u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan on line
[email protected]
Hargeysa, Somaliland