4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
XASAN SHEEKH: Shacabka Somaliland Way ka faa’iideysan doonaan Mashaariicda Higsiga 2016


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta furay shirka Hiigsiga Somalia ee 2016-ka oo Muqdisho lagu qabanayo ayaa ka hadlay arrimo badan oo Dowladda ku Guuleystay iyo kuwa haatan lagu Wajahan yahay.

Xasan Sheekh ayaa mar uu ka hadlay sida looga faa’ideysanayo iyo sida loo wado Hiigsiga 2016-ka ayuu sheegay inuu ka xun yahay meesha inaysan ka muuqan Somaliland, Laakiin wuxuu sheegay in Shacabka ku dhaqan deegaanada Somaliland ay ka faa’iideysan doonaan mashaariicda Hiigsiga 2016-ka.

“Waan ka xumahay in Somaliland aysan nagala soo Qayb-galin shirka, balse Dowladda FS waxay hubanti ka dhigi doontaa in Shacabka Somaliland ay ka faa’iideystaan mashaariicda Hiigsiga Cusub ee Somalia. Sannadkii 2013-kii, Baarlamaanka Somalia, Beesha Caalamka iyo Maamul-goboleedyada waxay isla Ansixiyeen nidaam iskaashi oo ku dhisan is-faham & Waxqabad, iyadoo la Higsanayo hal gool oo laga Mideysan yahay, kaasoo ah in la gaaro Somalia oo nabad iyo barwaaqo ah,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in hogaaminta Barnaamijka Hiigsiga Cusub ay udub-dhexaad u yihiin shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaa udub-dhexaad u ah Hoggaaminta Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Sannadka 2016-ka Shacabka Soomaaliyeed; iyadoo la raacayo Muhiimadaha ay dowladda Somalia dajisay, kuwaasoo ku qotoma Miisaaniyadda Dalka, iyadoo howsha loo qabanayo si isku-xir ku jirta, si aysan u dhicin in hal shay dhawr jeer la qabto,” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Somaliland, Jubbaland iyo Puntland waxay muhiim u yihiin Hir-gelinta Soomaaliya cusub oo ku dhisan dimuqraadiyad iyo nabad kuwada noolaansho. Dadaal badan ayaan sameynay aniga iyo RW Soomaaliya, kuwaasoo aan ku doonaynay in maamullada Jubba iyo Puntland ay Shirkan kasoo Qayb-galaan, hase yeeshee way ku Gacan-sayreen. Laakiin Waxaanu sii wadaynaa inaan Wadahadal iyo wada-tashi la yeelanno dhammaan Qaybaha kala duwan ee dalka, si aan Wadajir dib ugu dhisno Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Doorashooyinka ayuu sheegay in Sannadka 2016-ka aysan ka dhici karin Waddanka doorasho ku dhisan qof iyo cod, marka xaaladda dalka ka jirta loo eego, balse la darsayo Qaababka kale ee Suuro-gal ah oo looga sameyn karo dalka doorashooyin horseeda dhismaha Baarlamaan iyo Xukuummad cusub.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo Hiigsiga 2016-ka, Waxaana Shirkaan ka Qayb-galaya Xubno ka socda Qaar ka mid ah Waddamada Beesha Caalamka iyo Maamullada dalka ka jira Qaarkood.

Ugu dambeyn, Waxyaabaha Hiigsiga Cusub ka Qabsoomay waxaa ka mid ah lix Mashruuc oo ay ku baxday 240-Milyan oo Doollarka  Mareykanka ah, sidoo kale waxaa la Sameeyay Maamullada KMG ah, iyadoo ay dhiman tahay dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana la sameeyay Guddiyada dib-u-eegista dastuurka KMG-ka ah, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya