4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Xukuumadda Afghanistan oo Maanta sheegtay in uu Geeriyooday Hogaamiyihii Ururka Daalibaan


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Xukuumadda Dalka Afhganistaan ayaa Maanta ka Dhawaajisay inuu Geeriyooday Hoggaamiyihii Ururka Daalibaan, Mullah Cumar, kaasoo ahaa Wadaad ay aad u Adkeyd in Fagaarayaasha lagu Arko.

Saraakiisha Sirdoonka Waddanka Afghanistan ayaa sheegay in Mullah Cumar laga yaabo inuu Geeriyooday Laba illaa Saddex Sano ka hor, laakiinse lama soo bandhigin Faahfaahin intaas ka badan.

Dalibaan ayaa Weli ka hadlin Geerida Hoggaamiyahoodii Mullah Cumar oo ay shaacisay Xukuumadda Afgaanistaan, Waxaana Afhayeen u hadlay Kooxda Daalibaan uu sheegay in ay war-saxaafadeed kasoo Saarayaan Arrintan.

Marar badan oo hore jeer ayaa Fariimo Qoraal ah oo ka yimid Mullah Cumar lasii daayay, kuwaasoo ay ugu Dambeysay fariin bishan bartamaheeda soo baxday oo uu kaga Hadlayay heshiis dhex-mara Daalibaan iyo Xukuumadda Afgaanistaan.

Iyadoo shaki laga muujiyay in Fariimahan ay yihiin kuwo uu soo duubay Mullah Cumar, Maadaama aysan ahayn kuwo Muuqaal iyo Maqal ah, Laakinse laga yaabo inay soo qoreen xubno ka tirsan Ururkan Islaamiga ah.

Mullah Cumar ayaa kusoo can-baxay kacdoonkii lagula jiray Midowgii Sofiyeeti, isagoo ka Guuleystay kooxo ka jiray dalkaas oo uu ugu dambeyn ku noqday Hoggaamiyihii ugu Sarreeyay Xukunka Waddankaas.

Hogaamiyahan ayaa wuxuu markii dambe Is-baheysi la noqday Ururka Al-Qaacida ee uu Hoggaaminayay, Osama Bin Laden, Inkastoo duulaankii dalka Afgaanistaan uu ku qaaday Mareykanka kaddib Weerarkii 9/11, Xukunka looga Tuuray Mullah Cumar.

Ugu dambeyn, Mullah Cumar ayaa Waxaa Madaxiisa la dul-dhigay lacag dhan 10-milyan oo doollarka Mareyanka, Taasoo la Shaaciyay in la Siinayo Ciddii keenta Macluumaadyo fududeynaya in la qabto ama la dilo, iyadoo ay ahayd in la arko.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya