4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
SAWIRRO: Shir lagu Ansixinayo Dastuurka Jubbaland oo ka Furmay Magaalada Kismaayo


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) —Ergo ka kooban 300 oo ka kala timid sedexda gobol ee uu ka koobanyahay maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta u fariistay ansixinta qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland, kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ay socotay qoristiisa.

Gudiyada kala duwan ee u xilsaaran dastuurka Jubbaland ayaa waxa ay safarro kala duwan ku tageen qaar kamid ah degmooyinka gobollada Jubbaland, goobahaasii ay geeyeen qabyo-qoraalka dastuurka si bulshada ku dhaqan goobahaasi ay uga doodaan qodobada ku xusan dastuurka islamarkaana aragtidooda ugu biiriyaan.

Shirkan oo socon doona mudo afar maalmood ah ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, waxaana shirkani daahfuray madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).

Madaxweeynaha oo khudbaddii daahfurka shirka  ka jeediyay madasha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay gudiyadii ku howlanaa diyaarinta dastuurka, ergada ka kala timid sedexda gobol, hay'adda SSF iyo Qaramada Midoobay, kuwaasoo uu sheegay in ay gacan weyn ka geysteen sidii ay Jubbaland u yeelan lahayd dastuur.

Intaa kadib ayaa waxaa ergada loo qeeybiyay qaby-qoraalka dastuurka, waxaana ergadu ay ka doodi doontaa qodobada ku qoran dastuurka, iyagoo gudiga dastuurka u gudbin doona qodobada ay u arkaan in ay u baahanyihiin in wax lagu kordhiyo amaba laga saaro.

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland oo saxaafadda uga warbixiyay shirka ayaa sheegay in kadib marka ay ergadu soo gudbiyaan afkaartoda ku saabsan dastuurka, in gudigu ay ku wareejin doonaan maamulka Jubbaland, kadibna loo gudbin doono baarlamanka Jubbaland si ay u ansixiyaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya