4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Cabdiraxmaan Faroole oo ka Hadlay Safarka uu ku joogo Somaliland iyo Arrimaha Federaalka


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynahii hore ee Maamulka Puntland, Mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo ku sugan Magaalada Hargaysa ayaa waraysi uu bixiyay kaga hadlay Ujeeddada Safarkiisa Hargaysa iyo Arrimaha Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in Safarkiisa Hargaysa yahay sidii uu ugu Tacsiyeyn lahaa Ehelladii iyo Qaraabadii Marwadiisii oo dhowr bilood ka hor lagu dilay Garoowe, Wuxuu u Mahad-celiyey Maamulka iyo Shacabka Somaliland.

Sidoo kale, C/raxmaan Faroole oo Wareysi siinayay BBC-da ayaa ka Hadlay Arrimo la Xiriira Mustaqbalka siyaasadiisa, nidaamka federaalka iyo dhismaha Maamullada laga dhisayo dalka, wuxuuna xusay inuusan hadda xil dambe ka sugayn Puntland; laakiinse taladiisa iyo tusaalooyinkiisa uu ku darayo. Isagoo xusay in Soomaaliya uu weli ku jiro oo wax ka qoro.

Nidaamka Federaalka ayuu xusay inuu yahay ku dhisan dastuur oo aan ahayn mid rabitaan shacab ee uu yahy in la raaco dastuurka oo laba Gobol in ka badan ay ku midoobaan; balse maamulka ay sameynsayaan Gobollada uu yahay mid ku dhisan Rabitaankooda Shacabka oo aan la oran karin Federaal.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay Arrimaha Soohdinta Maamullada Puntland iyo Galmudug isagoo xusay inay tahay mid ay ka dambeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahayd inay si cad u sheegto qorshaha maamulka Galmudug & sida uu ku dhisan yahay maadaama uusan ahayn labo Gobol.

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu Horreysay oo Mas’uul Madaxweyne kasoo Noqday Puntland uu booqasho ku tago dhulka Somaliland, iyadoo la xusuusto inay labada maalmul ka dhexeyso xurguf siyaasadeed oo salka ku haysa deegaano ay ku muransan yihiin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya