4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya oo Faahfaahin ka bixiyay Qaraxii Hotel Jaziira iyo Ruuxii Geytay


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Warbixin Hordhac ah oo ay Sirdoonka Dalka Somalia soo saareen maanta ayay ku sheegeen in Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Hotel Jaziira ka dhacay Maalintii Axadda 26-kii July, 2015-kii, 4:00 Galabnimo uu ahaa Ruux Soomaali ah oo ku noolaa dalka Jarmalka.

FAAHFAAHIN KU SAABSAN QARAXA IYO RUUXII  FULIYAY:

A. Qaabkii uu Qaraxu u dhacay iyo khasaaraha uu geystay:

Qaraxa Noociisu Wuxuu ahaa Is-miidaamin loo adeegsaday Gaari Nooca Xamuulka ah ee Nissan UD oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, kaasoo kusoo dhex-dhuuntay dad Qaxooti ah oo laga rarayay Agagaarka Hoteelka, wuxuuna dusha soo saartay Joodoriyaal iyo Alaab-guri.

Khasaaraha uu gaystey Qaraxaasi waxay kala yihiin. Dhimasho 17-qofood ah, dhaawacuna kor u dhaafayey tobaneeyo, iyadoo qaarkoodna ay u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Tirada gaadiidka ku burburay qaraxa waa shan gaari iyo hal mooto. waxaa khasaare burbur soo gaaray dhismaha Hoteelka iyo guryo kale oo ka ag-dhawaa.

Sidoo kale, Dadka ku Geeriyooday Waxaa ka mid ahaa laba suxufi, halka mid kalana uu ku dhaawacmay Weerarkaas.

B. Faahfaahin ku saabsan ruuxa is-qarxiyay: 

C/risaaq Muuse Buux, ina Shukri Faarax, 30-jir, reer Boorame ahaa, kuna dhashay Tripoli Libya, Wuxuuna ku noolaa Magaalada Born ee dalka Jarmalka. C/risaaq wuxuu soo maray dalka Masar, markii uu dalka dib ugu soo noqonayey sannadkii 2012-kii.

Sidoo kale, Buux wuxuu kusoo biiray kooxda Al-shabaab sannadkii 2013-kii, iyadoo Dad Qurbo-joog ah ay ku soo tashkiiliyeen.

C. Mas’uuliyadda Qaraxaas:

Qaraxaan mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay kooxda UGUS (Al-shabaab), waxaa soo baxaya in ay Jiraan Shaqsiyaad kale oo lahaa Abaabulka iyo Fududaynta Weerarkaas, Waxaana la Rumaysan yahay inay ka mid ahaayeen:-

1. C/naasir Axmed Buuni oo ahaa Shaqsiga kor ka Hagayay Qaraxa, Wuxuuna Hadda ku sugan yahay Magaalada Boorame.

2. Sidoo kale, Waxaa gacan ka geystay fududaynta Weerarkan nin ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeedyada Dalka soo maray oo hadda ka cararay Muqdisho. Waxaana socota baaris, dib ayaan kasoo sheegi doonaa magaciisa & Faahfaahin dheeraad ah.

Ugu dambeyn, Weli waxaa Socota Baaris ku Saabsan Falkaas Aragagixisanimo ee ay soo Maleegeen Nabad-diidka, Wixii kasoo baxa Baaristaas dib ayaan kasoo sheegi doonnaa.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Jarmalka ayaa dhankeeda sheegtay in Ruuxan fuliyay Qaraxii Hotel Jaziira uu ku noolaa magaalada Born ee dalkeeda, balse uu ahaa ruux haysta dhalashada dalka Liibiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya