4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 29, 2015
Madaxweynaha Somalia oo Goor-dhow ka furay Shirka looga Hadlayo Hiigsiga Somalia (SAWIRRO)


Arbaco, Luuliyo 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa goor-dhaw furay shirweynaha Hiigsiga 2016-ka oo ka dhacaya Muqdisho, kaasoo ay ka Qayb-galayaan Xubno ka mid ah Dowladda iyo Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa halkaas ka jeediyay khudabadii furitaanka, isagoo shirka ay ku sugan yihiin xubno ka socda Beesha Caalamka, Urur-goboleedka IGAD, Ururka Midowga Afrika iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka jira Qaarkood.

Dhammaan xubnaha ka Qaybg-alaya Shirkan ayaa waxay daqiiqad u istaageen dadkii ku dhintey weerarkii dhawaan lagu qaaday Hoteelka Jazeera ee Muqdisho iyo dilalkii loo geystay xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Shirkan waxaa hadal ka jeedin doona mas’uuliyiin dhowr ah, waxaana shirka si Wadajir ah u Guddoominaya Madaxweyne Xasan Sheekh yo Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somalia, Danjire Kay.

Wixii kasoo kordha shirka waxaad kula socon doontaan wararka soo socda ee HOL haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya