Talaado, Janaayo 20, 2015 (HOL) — Ku dhawaad 20 ruux oo ayaa ku dhimatay tiro intaa ka sii badanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo waqtigan ka soconaya deegaanno u dhaxeeya xadka ay wadaagaan gobolka Hiiraan iyo Itoobiya.
Subaxnimadii hore ee saakay ayaa lagu waramayaa in maleeshiyo beelleed gacan militari ka hellaya ciidammada dowlad deegaanka Itoobiya ee Liyuu booliiska weerar culus ku qaadeen tuullada lagu magacaabo Xoda-oglle oo sidda lagu soo waramayo uu ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
Wararka ayaa siddoo kale intaa ku darraya in saacado kaddib maleeshiyada iyo ciidamada Liyuu booliiska is-garabsanaya weerar ku qaadeen Deefoow halkaasoo iska horimaad culus ay kula galeen maleeshiyo waayadii ugu danbeeyayba gacanta ku hayay deegaanka Deefoow.
Qof rayid ah oo ku sugan meel aan wax badan ka fogeyn halka lagu dagaallamayo ayaa HOL u sheegay in ay maqlayeen subaxnimadii hore ee saakay dhawaqa hub culus oo loo adeegsanayay dagaallka waxaana uu intaa ku darray in dhinacyadii weerarka soo qaadan dib loo celiyay.
“Dagaalka xoogiisa waxaa uu hadda ka soconayaa halka lagu magacaabo Burdhiinle oo ku dhaw xadka Itoobiya,” ayuu yiri qofka la hadlay HOL,
Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dhinaca mas'uuliyiinta maamulka gobolka ay kasoo saareen dagaalka oo ah kii cuslaa oo waayadii ugu dambeeyay ka dhacay deegan-nada ku teedsan xadka gobolka Hiiraan iyo Itoobiya.
Dagaallada soo noq-noqday ee inta badan ka dhaca Deefoow iyo tuulooyinka u dhaw dhaw ayaa hadda u muuqda mid ku sii fidaya deegaannada xigga dhinac xadka Itoobiya kaddib markii ay dagaalladii ugu danbeeyay ee dhacay qeyb ka noqdeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya