4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 10, 2015
Musharax Shaaciyay inuu u Taagan yahay Xilka Madaxnimo ee Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 10, 2015 (HOL) — Kaddib kulan maanta ka dhacay Muqdisho oo ay kasoo Qayb-galeen Siyaasiin, Odayaal iyo Haween oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu Taageeray, Murashax C/raxmaan Xuseen Caddoow oo loo yaqaan (C/raxmaan yare) oo ah Murashaxii ugu Horreeyay oo isku soo taaga Xilka Madaxweyne ee Maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Musharaxa oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegay inuu doonayo inuu is-bedel amni iyo mid nololeed ka Abuuro Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe. isagoo Xusay inuu xilkan isku soo taago inay ku timid la-tashiyo uu Bulshada Gobolladaas la sameeyay.

“Xilku waa mas’uuliyad culus oo qaadistiisu aysan ahayn mid sahlan, laakiin sax ma ahan inaan indhaha ka Daawanno waxa socda ee ah Abaaraha, Amni-daradda iyo nolol la’aanta bulsho,” ayuu yiri Murashax C/raxmaan yare.

Sidoo kale, Murashaxa ayaa hadalkiisa ku daray in labada gobol ay yihiin kuwo beerashada ku wanaagsan, haddii xilka loo doortana uu horumarin doono wax-soo-saarka gobolada loo dhisayo Maamulka Cusub.

“Waxaan kaloo doonayaa inaan fursaddan kaga faa’iideysto in Haweenku ay door weyn ku yeelan doonaan Maamulkan haddii xilka la ii doorto,” ayuu Hadalkiisa ku daray Murashax C/raxmaan Xuseen Caddoow.

Xasan Cali Diini oo ka mid ah odayaasha kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan Musharraxa cusub ee doonaya inuu u Tartamo Hoggaanka Maamulka Cusub ee Labada Gobol loo dhisayo, isagoo intaas raaciyay inay Garab-siinayaan haddii sida uu sheegay uu ka shaqeynayo danta bulshada ku nool Gobolladaas.

Dhanka kale, Waxaa isagana ka hadlay Munaasabadda, C/raxmaan Jimcaale oo ka mid ah Siyaasiintii kulanka ka soo Qayb-galay ayaa Sheegay inay Musharrax C/raxmaan Xuseen soo dhaweynayaan, isagoo raaciyay in Xilligaan Dadka Dega Deegaannadaas ay u baahan yihiin Hoggaamiye da’yar ah oo si wanaagsan u hoggaamiya; isagoo tusaale u soo Qaatay Murashax C/raxmaan yare.

Tariig Ibraahim Axmed oo codka Haweenka ku Hadashay ayaa iyadana Munaasabadda ka tiri. “Haddii aan nahay Haweenka ka soo jeeda Gobollada Maamulka loo Dhisayo Waxaan Rabnaa Hoggaamiye Tix-geliya Haweenka, isla markaana door Muuqda ka siiya Dumarka Maamulkiisa. sidaa awgeed C/raxmaan Waxaan kugu taageereynaa ballan-qaadkaaga.”

Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa maalmo ka hor Shaacisay in 01-da Bisha September ee Sannadkan uu billaaban doono Shir Maamul loogu dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Si kasta ha ahaatee; Musharrax Cabdiraxmaan Xuseen Caddoow (C/raxmaan Yare) ayaa noqonaya Mas’uulkii ugu Horreeyay oo si Rasmi ah u Shaaciya inuu u taagan yahay xilka Madaxnimo ee Maamulka loo dhisayo Labadan Gobol.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya