5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 13, 2015
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed oo Shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Dhakhaatiir caan ah (SAWIRRO)


Axad, September 13, 2015 (HOL) — Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa Shahaado Sharafyo mahad-celin ah guddoonsiiyey dhakhaatiirta kala ah; Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir iyo Prof. Cismaan Maxamuud [Dufle], kaddib munaasabad arrintaas la xiriirta oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, waxaana ka Qayb-galay dhaqaatiir, abwaano, fanaaniin kala duwan iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Qaar ka mid ah Abwaannada Soomaaliyeed ayaa xafladda ku furay ruwaayad goos-goos ahayd oo ka turjumeysay kaalinta dhaqaatiirta Soomaaliyeed kaga jiraan horumarinta iyo ilaalinta caafimaadka guud ee bulshada, iyadoo ruwaayadan ay si gaar ah u taabaneysay qaabkii labada dhaqtar ay ugu gurmadeen abwaan Maxamuud C/llaahi Ciise Sangub, iyagoo u sameeyey qaliin dhinaca indhaha ah iyo baaritaano kale oo Caafimaad.

Sidoo kale, intii ay munaasabadan socotay ayaa waxaa heeso, gabayo iyo suugaan kale ku soo bandhigay kooxda fanaaniinta Degaan iyo abwaano kale, kuwaasoo ka turjumayey mahad-celin iyo duco loo jeedinayey Dr. Dufle iyo Dr. Dalmar sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin wax u qabashada bulshada. 

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ugu horeyn ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in labada dhaqtar dadka ay wax u qabteen aysan ku koobneyn abwaanada Soomaaliyeed, isagoo sheegay iney yihiin badbaadiyeyaashii bulshada.

“Prof. Dufle ayaan telefan ku wada hadalnay, waxaana uga waramay xaalado caafimaad daro oo la soo dersay abwaan Sangub iyo sida wax looga qaban-karo, wuxuuna iigu jawaabay :haddaan qadka soo gelinayaa Dr. Dalmar beriba noo wada keen labadeena, waxayna u sameeyeen baaritaano caafimaad iyo qaliin dhinaca arag ah ILAAHAY qeyr ha siiyo, waan uga mahad celinaynaa, Sangub kaliyana maaha umadda oo dhan ayey sidaasoo kale wax ugu qabtaan, abaalgud kalena uma heyno inaan amaan iyo bogaadin u jeedino mooyee,” ayuu Abwaan Guure yiri.

Agaasimaha Isbitaalka Taqasusiga Dr. Dufle ee Muqdisho, Prof. Cismaan Dufle oo isna munasaabada ka hadlay ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galka xafladan oo uu sheegay iney aheyd mid ka balaaran sidii ay filayeen.

“Lama soo koobi karo shucuurteena aniga iyo sxbkey Prof. Dalmar, waxaan filaynay soo dhoweyn iyo mahadnaq kooban balse waxaan la kulanay masraxiyad qiimo badan oo muddo dheer laga soo shaqeeyey, heeso qiiro leh, amaan iyo duco waxaan uga mahad celinaynaa abwaanada ka soo shaqeeyey,” ayuu yiri Dr. Dufle oo intaa ku daray in dhaqaatiirta Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay wax u qabashada bulshadooda, wuxuuna xusay in weligood ay si bilaash ah ku daweyn jireen bahda fanka iyo suxufiyiinta Soomaaliyeed ayna sii wadi doonaan.

“Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo leh: Ninka kariimka ah hadaad karaameyso oo wax yar u qabato, abaalka loo galay aad buu u weyneeyaa, qofka xun hadaad wax u gashana kibir iyo islaweyni ayuu ka qaadaa, tani waxay muujineysaa in abwaanadeena ay yihiin dad kariim ah oo garanaya waxa loo galay” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo kale ah xildhibaan gudoomiye ka ah guddiga adeega bulshada ee baarlamanka Somalia.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gunaanadkii xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in mahadcelinta iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen abwaanada ay calaamad u tahay sida bulshadu ugu qanacsan tahay howlaha ay u hayaan dhaqaatiirta Soomaliyeed.

“Farxad ayay inoo tahay in Abwaan Sangub oo aan labada indhood u Qalay uu Araggiisu caadi kusoo laabtay, Runtii Abwaanku waa ruux nagu weyn, Anigoo yar ayaan dhegeysan jiray heesihiisa, Waxaan Xusuustaa in Sannadkii 1974-kii la dhigay ruwaayad la oran jiray (Qabrigii Jaceylka) oo uu sameeyey Abwaan Sangub, Nin yar baan ahaa Xilligaas,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo Xusay in Albaabbada Dhakhaatiirta ay u Furan yihiin Abwaannada iyo Fannaaniinta, ayna diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) ayaa Shahaado Sharafyo mahadcelin ah Guddoonsiiyay labada dhakhtar, isagoo sheegay in qof walba oo wax wanaagsan qabta ay bulshadu xuseyso uuna Baal-dahab ah ka galayo Taariikhda, waxaana munaasabadaas ay ku soo gebobowday jawi farxadeed. 

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya