4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Shan Haween ah oo 24-kii Saac ee u Dambeeyay lagu Kufsaday Gobolka Shabeellada Hoose


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Mareerey, Sayid Baalle Mayow ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 5-haween ah lagu waddada u dhexeysa deegaanka Mareerey iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Baalle oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in haweenkan la kufsaday ay da’doodu u dhexeyso 25-jir illaa 30-jir ayna kufsadeen dabley uu xusay inay dhibaatooyin kawadaan waddada u dhexeysa Mareerey iyo Afgooye.

“Haweenkan la kufsaday iyo dad kale oo shacab ah ayaa waxaa gaadiidkii ay la socdeen ka leexsaday waddada kooxo hubeysan, shan haweenka ah oo dhallinyaro ah waa la kufsaday, dadkii kalena waa la jir-dilay,” ayuu hadalkiisa ku daray Baalle.

Sidoo kale, guddoomiyaha deegaanka Mareerey oo hoos-yimaada Afgooye ayaa hadalkiisa hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda dhibaatooyinka haweenkan iyo shacabkii kaleba ay u ridanayso dusha dowladda fedeaalka Soomaaliya.

“Dowladda federaalka Somalia ayaa mas’uuliyadda dhibaatada shacabka loo geystay dusha u ridanaysa, waayo iyadaa hubkii ka dhigtay ciidamadii deegaanka ee sugayay ammaanka shacabka,” ayuu mar kale Baalle ku yiri hadalkiisa.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha deegaanka Mareerey ayaa xusay in maalmihii lasoo dhaafay ay xaalada deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ay kusoo kordhayeen falalka anni-darrada ah ee ay geysanayaan kooxo uu sheegay inay yihiin burcad hubeysan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli wax jawaab ah ka bixin hadalka guddoomiyaha maamulka deegaanka Mareerey in mas’uuliyadda haweenkaan lagu kufsaday gobolka Shabeellada Hoose ay mas’uul ka  tahay dowladda dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya