3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Haweeney laga soo afduubtay Dhadhaab oo la badbaadiyay


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) —Haweeneydan oo lagu magacaabo Judy Mukowme Mutua ahaydna macalimad wax ka barta xerooyinka Dhadhaab islamarkaana ay bilowgii bishan kooxo hubeeysan soo afduubteen  ayaa maanta dib loo soo furtay kadib howlgallo ay si wadajir ah u sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Howlgalkan oo ka dhacay soohdinta ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa yimid kadib markii kooxihii soo afduubtay haweeneyda ay iska horimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland, waxaana intaa kadib labada ciidan dhexmartay israsaaseyn xooggan.

Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) —
Taliyaha ciidamada ammaanka Dhoobleey Col Heeybe Axmed C/laahi oo u waramay HOL ayaa sheegay in haweeneydani ay baadigoob ugu jireen mudo dheer, saaka aroortiina ay ka warheleen in laga soo gudbiyay soohdinta ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

“Xuduuda marka ay kasoo gudbeen ayaan ka warhelnay kadib ciiidan kamid ah ciidamada Jubbaland ayay u suurogashay in ay iska horyimaadaan, kadib waxaa dhex martay israsaaseyn xooggan, intaa kadib ayaan ciidankii xoojinnay, afarta jihana ciidan ayaan ka dhignay si ayan u baxsan,” ayuu yiri taliyuhu

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ay u suurogashay in ay gacanta ku dhigaan gabadhii lasoo afduubtay iyada oo badqabta, halka uu sheegay in ay dileen mid kamid ah afartii qof ee soo afduubatay gabadha, isagoo sheegay in ay baxsadeen sedexdii kale.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya ayaa lagu sheegay in haweeneydani lagu guuleystay in la badbaadiyo kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah oo ay iska kaashanayeen ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaalida.

Judy oo ah haweeney macalimad ah ayaa maalinimadii Isniinta ee ay taariikhdu ku beegnayd 12-ka October ee sanadkan waxaa laga afduubtay inta u dhexeeysa xerada xagardheere iyo Dhadhaab, waxaana la sheegay in kooxihii afduubtay ay kaxeysteen haweeneydan iyo gaadiidkii ay wadatay, waxaana la sheegay in gaadiidka ay uga tageen soohdinta Kenya iyo Soomaaliya, halka ay kaxeysteen haweeneyda.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.












Click here
10/16/2015 12:55 PM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Qaranka Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa HOL u xaqiijiyay in shaqaalihii diyaaraddii dhawaan ku dhacday duleedka degmada Afgooye ee raashinka u wadday AMISOM aan la xirin oo ay deggen yihiin mid ka mid ah hoteellada Muqdisho iyagoo xor ah.

10/16/2015 11:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Iyadoo lagu wado in Axadda iyo Isniinta soo socoda ay dalka Masar ka dhaci doonaan wajigii 1-aad ee doorashooyinka baarlamaanka dalkaas, ayaa waxaa loo xil-saaray sugidda amniga goobaha doorashooyinka in ka badan 180,000 askari oo booliis ah sida ay u sheegeen warbaahinta Masar ilo dhanka ammaanka ah.

10/16/2015 10:16 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Arday tiradoodu gaarayso 132 dhakhtar oo ka qalin-jabiyay kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ayaa maanta xaflad loogu qabtay xarunta jaamacadda ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

10/16/2015 9:48 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Amaan-darrada iyo taageerada oo yar waxay caqabad weyn ku yihiin howlaha QM Midoobay ee Somalia, sidaa waxaa Golaha Amaanka ee QM u sheegay madaxa xafiiska taageerada ay Qaramada Midoobay siiso ciidamada AMISOM, Atul Khare.

10/16/2015 7:59 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Wasaarada arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa ka war-bixisay halka ay marayso howsha dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo shabeellada, iyadoo wasaaraddu ay xustay in howshu ay marayso meel wanaagsan.

10/16/2015 7:15 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed oo ka mid ah xildhibaannada Soomaaliya u metelaya baarlamaanka Afrika ee dhawaan kulammadiisu ay ka furmeen dalka Koonfur Afrika, waxaana ka mid ahaa qodobbadii looga hadlay arrimaha amniga iyo nabadgalyada, iyadoo lagu soo hadal-qaaday dalal badan oo dhibaatooyin amni ay ka jiraan oo ay ugu horreyso Somalia.

10/16/2015 7:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Mareerey, Sayid Baalle Mayow ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay 5-haween ah lagu waddada u dhexeysa deegaanka Mareerey iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

10/16/2015 4:13 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka afaraad ee Pan African, Dr. Bernadette LAHAI oo sannadkan 2015-ka lagu doortay doorshadii ka dhacday xarunta Pan African ee Johannesburg ayaa ka hadashay mooshin looga horjeeday dhibaatooyinka ay shacabka Koonfur Afrikaanka ahi kula kaceen walaalahood Afrikaanka ah ee dalkooda ku sugan, mooshinka oo dib loo dhigay illaa amar dambe ayaa waxaa shaaciyay dib u dhigiisa madaxweynaha Pan African, Roger Nkodo Dang oo laga sugayay inuu xildhbaannada soo dhex-dhigo.

10/16/2015 3:48 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa shalay booqasho ku tagay, Baydhabo isagoo ugu baaqay bulshada, madaxda, odayaasha dhaqanka iyo ururrada bulshada ee maamulka Koonfuur-galbeed inay ka shaqeeyaan fududeynta sidii loo dhameystiri lahaa dhismaha baarlamaanka iyo baahinta xukunka.

10/16/2015 3:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Waxaa dib loo furay safaaraddii Somalia ay ku lahayd waddanka Ciraaq, kaddib muddo 25-sano ah, iyadoo furitaanka safaaradda ay kasoo Qayb-galeen mas’uuliyiin ka socday xukuumadda dalka Ciraaq.

10/16/2015 2:01 AM EST
Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Wafdigan oo ay hogaamineeysay ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska AMISOM Ms. Christine Alalo ayaa shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyagoo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.