4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 16, 2015
Madaxweyne ku xigeenka Pan African oo ka hadashay dib u dhigista Mooshin ka dhan ah K/Afrika


Jimco, Oktoobar 16, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka afaraad ee Pan African, Dr. Bernadette LAHAI oo sannadkan 2015-ka lagu doortay doorshadii ka dhacday xarunta Pan African ee Johannesburg ayaa ka hadashay mooshin looga horjeeday dhibaatooyinka ay shacabka Koonfur Afrikaanka ahi kula kaceen walaalahood Afrikaanka ah ee dalkooda ku sugan, mooshinka oo dib loo dhigay illaa amar dambe ayaa waxaa shaaciyay dib u dhigiisa madaxweynaha Pan African, Roger Nkodo Dang oo laga sugayay inuu xildhbaannada soo dhex-dhigo.

Mooshinkan oo aad xasaasi u ahaa oo ay warbaahinada caalamka oo dhanna ay si aad ah u sugayeen ayaa waxaa is-bedelay jawigii xarunta taasoo ay shirka ka dareereen xildhibaano badan oo ka mid ahaa xubnihii u ololenayay in arrintaas laga hadlo. Xukuumadda Koonfur Afrikana ay ka jawaabto dadkii Afrikaanka ahaa ee lagu waxyeeleeyay dhawaan waddanka Koonfur Afrika iyo wali dhibaateynta lagu hayo ganacsatada yar yar ee Afrikada kale ka yimid.

Xildhibaanad Dr.Bernadette LAHAI oo warbaahinta uga warbixisay sababaha dib loogu dhigay mooshinka ayaa sheegay inay tahay iyadoo wali lagu mashquulsan yahay arrimihii dhibaatada badan ay kasoo gaartay muwaaddiniinta Afrikaanka ah ee ganacsiyada yar-yar ku lahaa gudaha Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay tahay in wali khubaro Afrikaan iyo caalami ah ay baaritaan ku haayaan cidda ka mas’uulka ah iyo sababaha kaliftay in waxyaabo bini'aadannimada ka baxsan lagula dhaqmo dad Afrikaan ah oo door-biday inay ka dhex-ganacsadaan walaalahood Afrikaanka ah ee Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn, Xildhibaanadda ayaa intaas ku dartay marka lagu guuleysto ama lasoo dhameeyo baaritaanka arrintaasi laga hadli doono mooshinkaan la islana meel dhigi doono sidii laga yeeli lahaa warbixintaas iyo sidii looga hortagi lahaa inay ka dhacaan arrimo noocaas ah Qaaradda Afrika.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika