
Jimco, Maarso 27, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa shaaciyay inaysan ahayn mid suuro-gal ah in Somalia ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah sannadka 2016-ka.
Odawaa oo ka qaybgalayay barnamij su’aalo lagu weydiiinayya oo ka baxay maanta Radio Muqdisho ayaa uga jawaabay su’aalo dhwor ah oo la xiriira howlaha horyaalla xukuumadda Somalia muddada kooban ee howlaheeda ka harsan.
“Dowladda Somalia waxay waddaa qorshayaal ay kula tashanayso maamul goboleedyada, odayaasha dhaqanka, wax-garadka, laakiinse waxay su’aali ka taagan tahay sidee wax u dhacayaan, waxaa arrimahaas laga tala-gelinayaa dhammaan inta ay quseyso, howshaas waa la billaabay waana lagu guda jiraa. Guddiga doorashooyinkana waa kusoo biiray, qof walba waa og-yahay in hal qof iyo hal cod maanta aanay suurogal ka ahayn inay Somalia ka dhacdo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somalia.
Sidoo kale, wasiirka ayaa wuxuu intaas ku daray. “FIQIGU wuxuu yiraahdaa waxaadan wada heleyn lagama wada tago. Macnaheeduna ma ahan haddaan hal qof iyo hal cod la heleyn - yaan doorasho dhicin, baarlamaanka xilligaan shaqeynaya waxaa soo xulay 135 oday, maamul goboleedyada dhisan iyo kuwa soo dhismayana in laga arrinsado arrintaasna waa socotaa, xalka ugu dhawna oo ay doorasho ku dhici lahayd waa imaan doontaa.”
Wasiirku wuxuu intaa ku daray in federaalka uu hadda dhismayo, isla markaana inta hartay maamullada lasoo dhameystiri doono bisha June ee sannadkan 2015-ka ee lagu jiro.
“Federaalka hadda waa dhismayaa, horay maamullo federaal ah ayaa u soo dhismay, sida Puntland, Jubbaland, Koonfur-albeed, waxaana hadda faraha lagula jiraa dhismaha maamul gobolleedyada gobollada Mudug iyo Gal-guduud iyo kan Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxaana lasoo dhameysitarayaa dhismahooda bisha June ee soo socota,” ayuu yiri wasiirku hadalkiisa ku daray.
Si kastaba ha ahaatee, dadka saadaaliya siyaasada Somalia ayaa u sheegay inaysan macquul noqon karin inay Soomaaliya ka dhacdo doorsho qof iyo cod ah. Maadaama aan weli la dhameystiri howlihii loo baahnaa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya