3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2015
Madaxweynaha Somaliland iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta u Ambabaxay Dalka Itoobiya


Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta u anbaxay dalka Itoobiya halkaasi oo uu sheegay inuu kulamo la yeelan doonno madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha oo inta aanu dhoofin la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marka muddo la joogaba loo baahan yahay in la xoojiyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, si danaha labadda dhinac loo sii hagaajiyo.

“Waa dal uu xidhiidh wanaagsan inaga dhexeeyo, waana waajib in marka muddo la joogaba la is xog ogaalo oo laga wada hadlo danaha labadda dal, sidaaa daraadeed sidaas ayaanu ugu anbabaxay safar waxaana ilaahay ka rajaynayaa inuu nagu guuleeyo”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey safarkiisa uu ku tagayo Itoobiya

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay arrimaha khilaafka ee golaha Guurtidda oo aan wali la xalin waxaanu sheegay in dastuurka iyo sharciga dalka u yaala lagu kala bixi doonno.

“Dalku sharci buu leeyahay cid waliba waa inay ixtiraanta shuruucda dalka taas ayaana lagu kala bixi karaa”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey khilaafka Guurtiddu ku qaadaceen heshiishkii xisbiyadda iyo xukuumadda ka gaadheen muddo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha iyo baarlamaanka.

Safarkan madaxweynuhu ku baxay ayaa ah mid aan hore loo sii sheegin, isla markaana si kadis ah ku baxayo.

Haseyeeshe waxa maalmahan jiray dad reer Somaliland oo doonayey inay Itoobiya u baxaan ayaa ka cabanayey safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo muddo dhawr toddobaad ah aan u fiiseen Baasbaooradooddii,  inkastoo safaaradda iyo wasaaradda Arrimha Dibadda Somaliland sheegeen inay kala go’ay istiikariskii lagu dhajin jiray Passporadda la fiiseeyo, taas oo ay sheegeen in ay xaliyeen.

Dalka Itoobiya ayaa Passporka Somaliland u fiiseysa, iyadoo ka mid ah dalalka kooban ee ixtiraama Bassporka Somaliland, isla markana wax caqabad ah kala kulmin gudaha dalka Itoobiya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland













Click here
6/21/2015 5:11 PM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya ayaa caawa shaacisay Jadwalka Dhameystirka Maamulka Galmudug iyo Dooroshooyinka mas'uuliyiinta Maamul-goboleedka loo Sameynayo Gobollada Mudug iyo Galguduud.

6/21/2015 4:24 PM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somalia, Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa maanta hortagay baarlamaanka federaalka Somalia, si wax looga weydiiyo sida ay ku baxday miisaaniyadii sannadkan 2015-ka, wuxuuna ka bixiyay sharraxaas sida ay ku baxday 49-milyan oo soo xarootay shantii bilood ee ugu horreysay Sannadkan lagu jiro, Mushaar la’aanta Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada iyo weliba dhaqaalo la’aanta soo wajahday dowladda.

6/21/2015 3:48 PM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Musharraxa Madaxweynaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku tilmaamay Dastuurkii dhawaan la Ansixiyay ee uu yeelanayo maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug mid u adeegaya bulshada ku dhaqan deegaannada la fillayo in maamulku ka arrimiyo.

6/21/2015 11:13 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) —Xarunta Al-kheeyraad ee magaalada Kismaayo ayaa wada barnaamij lagu afurinayo dadka danyarta ah ee Soomaan, iyadoo barnaamijkan ay gacan weyn ka geysteen qurbajoog Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka dibadiisa.

6/21/2015 10:37 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) —Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa gudaha garoonka diyaaradaha kulan kula qaatay madaxweeynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada.

6/21/2015 10:15 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay Wafdi ka socda urur-goboleedka Bariga Afrika ee IGAD oo uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin.

6/21/2015 9:05 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Koox hubeysan ayaa saaka aroortii ku Toogtay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, Anwar Xaaji Dayib Haaruun oo ahaa Qasnajigii guud ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia, iyadoo Kooxaha dilkan geystay ay markiiba baxsadeen.

6/21/2015 8:04 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Xarunta Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa Walaac ka muujiyey xaaladda adag ee ay ku nool yihiin qaxootiga Yemeniyiinta ee ku nool Berbera iyo Hargeysa.

6/21/2015 7:59 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Gobollada Jubbada Hoose, halkaasoo uu kulammo kula leeyahay madaxda maamulka Jubba.

6/21/2015 7:36 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somalia, isla marakaana ah Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay u arkaan Darbiga ay doonayso Kenya inay ka dhisto Soohdinta mid xadgudub ku ah Qaranimada Somalia, isla markaana xadgudub ku ah darisnimada iyo xiriirka labada dal.

6/21/2015 7:10 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Ugu yaraan sagaal Askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku geeriyooday shil gaari oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Tukaraq oo ku dhow degmada Garowe,iyadoo shilkan uu yimid ka dib markii gaariga uu ka baxay wadada laamiga ah.

6/21/2015 4:44 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Maamul-goboleedka Puntland ayaa ka digay in Dastuurka Cusub ee dhawaan lagu Ansixiyay magaalada Cadaado ee maamulka loogu sameynayo gobollada Mudug iyo Galgaduud uu horseedi karo Colaado ka dillaaca Gobollada Dhexe ee Somalia.

6/21/2015 3:43 AM EST
Axad, Juun 21, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Shan Ruux ayaa ku Dhintay Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saakay xarunta ay ku tababartaan ciidamada sirdoonka dowladda Somalia oo ku taalla degmada Shibbis ee Gobolka Banaadir.