5/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2015
Ciidamada Kenya ee AMISOM oo sheegay inay Toogasho ku dileen Xubno ka Tirsanaa Al-shabaab


Jimco, Luuliyo 24, 2015 (HOL) — Ciidamada Kenya ee Qaybta ka ah AMISOM ayaa Maanta oo Jimco ah sheegay inay degmada Baardheere ku toogteen Toddoba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab ayna ka Furteen Shan Qoryaha Fudud ah, kaddib markii maalin ka hor ay la Wareegeen gacan ku haynta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayay ciidamada dowladda FS iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen Arbacadii, iyagoo Maanta oo Jimco ahna qabsaday degmada Diinsoor ee Gobolka Bay oo ahayd saldhig weyn oo ay Al-shabaab ku lahayd.

Sidoo kale, ciidanka Kenya ayaa sheegay inay dagaalkii ay Baardheere ku qabsadeen ay ku dileen 24 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, inkastoo aysan ka hadlin ciidamada looga dilay dhankooda.

“Qabsashada degmada Baardheere waa guul weyn oo u soo hoyatay AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia, waayo waxaa muddo toddoba sano ah ka talinaysay Al-shabaab,” ayuu yiri afhayeenka millateriga Kenya, Col. David Obonyo.

Col. Obonyo ayaa intaas Raaciyay. “Qabsashada Baardheere iyo Diinsoor Waa Guul laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-shabaab, iyadoo ka mid ah qorshaha AMISOM ee dib loogu soo celinayo amniga iyo deggenaashaha Somalia.”

Afhayeenku Hadalkiisa raaciyay in Magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor ay ahaayeen Saldhigyadii ugu waaweynaa ee Xarakada Al-shabaab ay ku lahayd koonfurta Soomaaliya, ayna kasoo abaabulaan Weerarrada.  

“Xoogaggii Al-shabaab Waxay u Carareen Degmooyinka Bu’aale iyo Jilib oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, Kuwaasoo ah Goobaha ugu Waa-weyn ee ay ku wajahan tahay AMISOM,” ayuu hadalkiisa raaciyay Col. Obonyo.

Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in Howlgallada dhanka ka ah Xarakada Al-shabaab oo ka Billowday Gobollada Bay iyo Gedo Toddobaadkan lagu Dilay 91 Dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Hadalka Afhayeenka Millateriga Kenya ayaa imaanaya xilli ay AMISOM sheegtay inay Gobollada Koonfurta Somalia ka billowday Howlgal ay ugu Magac-dartay Howlgalka Xoreynta Jubbooyinka.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalladan ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Obama la Filayo inuu Maanta gaaro Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, halkaasoo ay uga billabaayso booqasho saddex maalmood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya