4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 23, 2015
CADAADO: Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweynaha GALMUDUG oo Billaabatay


Khamiis, Luuliyo 23, 2015 (HOL) — Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka KMG Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goor-dhow ka billaabatay hoolka shirarka ee Magaalada Cadaado, halkaasoo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka socda Dowladda FS, maamullada gobollada iyo sidoo kale Beesha Caalamka.

Waxaa Goob-joog ka ah Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Khaatumo Porf. Cali Khaliif Galeyr, Ergayga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay, Danjirayaal iyo Ergooyin kale.

Egayga Urur-goboleedka IGAD ee Somalia, danjire Maxamed Cabdi Afeey oo khudbad ka jeediyay Xafladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Maamulka KMG Galmudug loo doortay madax hoggaamisa, isagoo ka dalbaday maamulka iyo dowladda FS in ay xoogga saaraan dib u heshiisiinta iyo xasilinta guud ahaan Somalia.

“Maamulka Ahlusunna waxaan ugu baaqeynaa in ay ku soo biiraan Maamulka Galmudug oo ay la Midoobaan si looga gudbo Mad-madowga haatan jira. Ahlusunna waxay ka mid yihiin kooxihii doorka wanaagsan kasoo qaatay dagaalka Al-shabaab, balse ma ahan inay wax mucaaradaan,” ayuu yiri Afeey.

Sidoo kale, Danjire Afeey ayaa Maamulka Puntland iyagana ugu Baaqay in ay Joojiyaan mucaaradidda Maamulka Galmudug, isagoo tilmaamay in maamul dhisnaa aan loo dumin doonin maamul kale.

Waxaa isagana khudbad ka jeediyay Xafladda Ergayga QM ee Somalia, Nicholas Kay oo sheegay inuu uga Mahad-celinayo Dowladda dhexe ee Somalia Dadaalkii dheeraa ee ay u gashay dhismaha maamulka KMG ah ee Somalia.

“Waxaan maqlay in Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ay tahay meesha ugu Siyaasad adag Soomaaliya, sidoo kale waxaan maqlay inay yihiin Goobaha ay dhibaatadii ugu badnay ee ka dhacay Soomaaliya iyo meesha ay wax walba oo wanaagsani ka imaadaan, waxaana rajeynayaa in Maamulka uu ka shaqeyo nabadda iyo sidii horumar ay u gaari lahaayeen Gobollada Dhexe ee Somalia,” ayuu yiri Kay.

Danjire Nicholas Kay ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay Dal Hodan ah marka la eego khayraadka dhex-ceegaaga, wuxuuna ku boorriyay Mas’uuliyiinta Soomaaliya inay dadaal u galaan sidii khayraadka dalka looga faa’iideysan lahaa.

Intaas kaddib Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay inay siin doonaan hadiyadu kala duwan intii Gacanta ka Geysatay Dhismaha Maamulkiisa, kuwasoo ay ka mid yihiin; Guddoomiyihii Guddiga Farsamada Shirkaan, Xaliimo yarey, Beesha Calaamka oo uu u qaaday Nicholas Kay iyo Xukuumadda FS oo uu u Gudoomay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ayaa Guddoonsiiyay Nicholas Kay Hadiyaddii loogu talo-galay Beesha Caalamka oo door muhiim ah ku lahayd sidii uu Maammulkan KMG ah ku dhismi lahaa.

Ugu dambeyn, weli waxaa socda khudbadba mas’uuliyiinta kala duwan Xafladda ka qayb-galaya, iyadoo Xubnihii Matalayay Beesha Calaamka ay ka dhoofeen Magaalada Cadaado, kaddib markii ay khudbadahoodii jeediyeen.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhanka kale mas'uuliyiinta xafladda ka qaybgalaya heesh ku Madadaalinaya heeso iyo suugaan kala duwan, kuwaasoo isugu jira guubaabo iyo wadani, iyadoo si Wadajir ah ay Fannaaniintu u Qaadayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya