Xubnaha Puntland oo ka qaybgalaya Maamulka gobollada dhexe oo loo digay

Axad, Janaayo 25, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Gaalkacyo ee Puntland C/casiis Jaamac Guuleed oo ka soo laabtay safar shaqo oo dibada ah ayaa hanjabaad u diray dad la sheegay in ay Puntland u matalayaan dhismaha maamulka gobollada dhexe.

“Waxaan leeyahay hurdada ha ka soo tooseen dadkaasi ,Soomaaliya way ka gudub-tay meel la isku qabsan karo,  gobolka Mudug qalin iyo qori midna luguma qaadan karo “ayuu yiri Duqa degmada Gaalkacyo oo lahadlayay warbaahinta.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug in ay iska ilaaliyaan xubno uu sheegay in ay ka goosteen waqooyiga Gaalkacyo ,isla markaana ay doonayaan in colaad ay ka dhex abuuraan labada maamul.

“Galmudug waxaan leeyahay nin siyaasi ah oo dan leh yuusan meeshan dhibaato ka sameyn ,waxa kaliya een doonayno ayaa ah inaan daris wanaag ku wada noolaanno “ayuu mar kale yiri Cabdicasiis Nugaal oo ka hadlayay arintan.

Waxaa kaloo masuulkan uu sheegay in xubnaha ka tagay Puntland ay yihiin dhalinyaro la qalday ,isla markaana ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan gobolka,waxaana uu digniin u diray cid kasta oo maamulka ku soo laaban weyda.

Ugu danbayn, xiisadda arintan la xiriirta ayaa soo bilaabtay tan iyo markii lagu dhawaaqay in gobolka Mudug qayb kamid ah lagu daray maamulka gobollada Dhexe ee Soomaaliya ,waxaana shir lagu qabtay Garowe sanadkii hore lagu dhameeyay khilaaf arintan ku saabsan oo u dhaxeeyay dowladda Somaliya iyo maamulka Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]