5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 22, 2015
Maamulka Puntland oo Cambaareeyay Booqashadii Siilaanyo ee Laascaanood
Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Khamiis, Janaayo 22, 2015 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa cambaareeyey booqashadii kediska ahayd ee shalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ku tegey xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska af-hayeenka Putland ayaa lagu sheegay in Puntland raali ka ahayn daan daansina u aragto booqashada Siilaanyo iyo wafdigiisa.

War-saxaafadeedka oo nuqul kamid ahi soo gaarey HOL waxaa sidoo kale baaq loogu diray Dowlada Federaalka, Qaramada Midoobey iyo wadamada deriska, kuwaasoo lagu wargeliyey in Somaliland xadgudub ka wado deegaano ka tirsan Puntland, waa sida qoraalka madaxtooyada Garoowe kasoo baxay lagu sheegaye.

Booqashada madaxweynaha Somaliland uu shalay ku tegey Laascaanood waxay ahayd tii labaad ee uu degmadaas ku tago laga soo bilaabo markii ay si buuxda gacanta ugu gashay Somaliland bishii Oktoobar ee sanadkii 2007.

March 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland booqasho aan horay loo shaacin muddo koobana qaadatey ugu soo gaarey degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.

HALKAN KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA:


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland Soomaaliya