4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 25, 2015
NIGERIA: Qarax ka dhashay Shidaal oo 100-ruux ay ku Geeriyoodeen iyo Dad Toogsho lagu dilay


Jimco, December 25, 2015 (HOL) — Tiro lagu sheegay 100-qof ayaa geeriyooday kaddib markii uu gaari booyad nooca shidaalka qaada ah oo ku qarxay bannaanka Warshad lagu farsameeyo gaaska raashinka lagu karsado, taasoo ku taalla magaalada Nnwei ee gobolka Anambra oo ku yaalla Koonfur-bari Nigeria.

Xoghayaha ururka laanqeyrta cas ee gobolka Anambra, Chuma Ibeabuchi ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxan uu ka dhacay meel ay dad badan oo oo iibsanayyay gaaska loo is-ticmaalo makiinadaha raashinka lagu karsado, halkaasoo dad badan ay ku geeriyoodeen.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari oo xafiiskiisa kasoo saaray maanta oo Jimco ah war-saxaafadeed ayaa sheegay inuu aad uga naxay khasaaraha fara badan ee ka dhashay shilka ka dhacay waarshadda gaaska lagu farasameeyo, laakiinse ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay inta uu tiro le’eg yahay.

Afhayeenka booliiska gobolka Anambra, Alphonsus Okechukwu Ali ayaa isagana sheegay in dad badan ay ku naf-waayeen qaraxan, iyadoo tiro kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan, isagoo intaas ku daray in warshadda uu shilku ka dhacay ay leedahay shirkad lagu magacaabo Chicason.

Inkastoo mas’uuliyiinta gobolka uu shilkan ka dhacay iyo madaxweynaha dalka Nigeria ay ka gaabsadeen inay sheegaan tirada dadka ku dhintay shilkan; ayaa haddana Wakaaladaha wararka caalamka waxay tabinayaan in ugu yaraan 100-qof ay shilka ku geeriyoodeen.

Laakiin, madaxa laan-qeyrta cas ee gobolka Anambra Chum Ibeabuchi oo isna hadlay ayaa sheegay in tirada khasaaraha shilka ee warbaahintu baahinayso ay tahay mid badan, isagoo xusay in tiradu ay intaas ka yar tahay.

Buhari ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkii ku geeriyooday shilka, isagoo sheegay in shilku uu ahaa mid aad u fool xun, wuxuuna sheegay in xilligan ay socdaan baaritaanno la xiriira sidii uu u dhacay shilkan khasaaraha badan dhaliyay.

Ugu dambeyn, kooxda Boko Haram ayaa la sheegay inay maanta dhowr qof ku dileen tiro weerarro ah oo ay ka geysteen gudaha dalka Nigeria, iyadoo qaybo ka mid ah dalkaas laga xusayo ciidda ay gaaladu xusaan ee chrisms-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya