QM oo soo Dhaweysay Heshiiska Dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe


Axad, Ogoosto 09, 2015 (HOL) — Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Shalay lagu Saxiixay Muqdisho; kaas oo lagu Dhisayo Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ergeyga QM ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayaa sheegay inay Qaramada Midoobay soo dhaweynayso heshiiskii shalay ka dhacay Muqdisho, isla markaana ay taageerayaa wax kasta oo tasiilaad ah oo ku baxaya dhismaha Maamulka loo dhisayo Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

“Waxaan soo dhaweynaynaa heshiiskii shalay lagu saxiixay Muqdisho, kaasoo la  doonayo in lagu dhiso maamul wadajir ah oo ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, waana tallaabo horay loo qaaday,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Kay.

Muqdisho ayaa Waxaa shalay lagu Saxiixay Hannaanka Heshiis lagu Dhisayo Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Munaasabadaas oo uu ka Qaybgalay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa Sheegay inay Gacan ka Geysanayaan mar walba Horumarka Somalia iyo qorshayaasha Dowladdu ay ku dhisayso Gobollada dalka.

“Tani waxay ka mid Tahay Qorshayaasha ay Dowladda Federaalka Somalia ku dhisayso Maamul-goboleedyada dalka, Waana Tallaabo fududeyn karta in dalku noqdo Federaal,” ayuu hadalkiisa ku daray Danjire Nicholas Kay.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in Horumarinta Hay’adaha Dowladda Somalia iyo dhamaystirka Inta ka hartay dhismaha Maamullada Gobollada dalka ay Qayb ka yihiin sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd Sannadka 2016-ka.

Si kasta ha ahaatee, shalay ayaa Muqdisho lagu saxiixay heshiis dhigaya inuu si rasmi ah u furayo 01-da September sannadkana, lana soo dhameystiri doono 01-da December ee isla sannadkaan, markaasoo la caleemo-saarayo Hoggaanka cusub ee Maamulkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya