4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 8 , 2015
Ciidammo ka Tirsan kuwa Itoobiya ee AMISOM oo Toogtay Dad kusii jeeday Deegaanka Halgan


Sabti, Ogoosto 08, 2015 (HOL) — Wararka ka imaanaya Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa Sheegaya in Askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya ay toogeen dad rayid ah oo la socday gaari kuwa Rakaabka qaada ah.

Qof ku sugan deegaanka Halgan oo HOL la hadllay ayaa sheegay in askarta markii hore ku joojiyeen gaari Hoomey ah oo ay dadkan la socdeen meel duleedka ka ah magaalada, iyaga oo baaritaan kaddibna rasaas ku furay.

"Gaariga ayeey joojiyeen kaddibna dadkii la socday oo dhan waxaa ay ku amreen in ay ka soo degaan gaariga, markii ay soo degeen rag iyo dumar ayeey u kala saareen, kaddibna rasaas ayeey ku fureen ayuu yiri'' qofka la hadllay HOL.

Dadka ku dhintay falkan waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabo Cilmi Shabeel oo sida la sheegay dhawaan ka yimid Ingariiska, sidoo kalana dadka dhaawacmay waxaa ku jirra ilaa saddex haween ah oo ka mid ahaa dadkii gaariga la socday.

Dadka shacabka ah ee ku nool Halgan ayaa siweyn uga xumaaday falkan lagu dillay dadka rayidka ah, ilaa haddana ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidanka dowladda Itoobiya, Madaama la sheegay in Askarta Dilkaan Geystay ka mid ahaayeen Ciidamadooda Qaybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Hiiraan Online, News Desk