4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 26, 2015
Maxkamadda Federaalka Mareykanka oo diidday Rafcaan ay ka Dalbadeen Haween Soomaaliyeed


Arbaco, Ogoosto 26, 2015 (HOL) — Maxkamada Racfaanka Maraykanka ee loo yaqaanno [The 8th U.S. Circuit Court of Appeals] oo ku taalla magaalada St. Louis ayaa Qaadacday codsi ay rafcaan ku dalbadeen laba Haween Soomaaliyeed ah oo horayna loogu xukumay 20-sano iyo 10-sano oo Xabsi ah.

Aamina Farax Cali oo 39- jir ah iyo Xaawo Max'ed Xasan oo 68-jir ah ayay Maxkamadda Darajada Kowaad ee Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka Xukunno ugu Ridday Sannadkii 2011-kii.

Haweenkan Soomaaliyeed ayaa lagu eedeeyay inay door weyn ku lahaayeen ururinta lacag lagu taageerayey Al-shabaab, iyadoo ay horay Danbi-baarayaasha dalka Maraykanka ugu eedeeyeen labadan haweenka ah in ay lacag u ururiyeen xubno Al-shabaab ka tirsan oo ku sugan Soomaaliya.

Dacwadda Racfaanka ayay Qareennada Matalayey Haweenka ku sheegeen in maxkamadii ee haweenkan hore aysan u dhicin si dhex-dhexaadnimo ah; isla markaana garsoorihii ugu riday Xukunka ee Michael Davis uu muujiyey inuusan Dhex-dhexaad ka ahayn Dacwadda kaddib markii Xagjirnimada Islaamiyiinta uu la bar-bardhigay tan Argagaxisnimada.

Maxkamada Racfaanka ayaa Taageertay Xukunkii Horay loogu Riday Aamina Farax Cali oo 20-sano oo xabsiya ahaa; kaddib markii lagu helay 12 qodob oo dambi ah, halka Xaawo Maxamed Xasan iyadana lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu helay laba qodob oo dambi ah oo ay ku jirto inay danbi-baarayaasha been u sheegtay.

Dhanka kale, Dowladda Mareykanka ayaa Sheegay in Gobolka Minnesota oo keliya 20 qof oo Dhallinyaro ah laga Qoray si ay ugu Dagaallamaan Ururka Al-shabaab oo Muddo dheer isku-dayaysay inay xukunka ka tuurto dowladda Somalia ee ay reer Galbeedku taageeraan.

Ugu dambeyn, Qareennada u doodaya Aamina Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan oo lagu kala Magacaabo, Sara iyo Zalkin ayaan weli war ka soo saarin Dacwadda Haweenkan loo haysto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya