4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
SHARMA’ARKE: Waxaa la Dhisayaa Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Ra'iisal Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dadaal dheer ugu jirto dhismaha maamul gobolleedyad dalka, gaar ahaan maamul ay ku mideysan yihiin labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe iyo ka miro-dhalinta shirka loo fadhiyo magaalada Cadaado.

Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay rajo badan ka qabaan shirka dhismaha maamulka gobollada Galgudud iyo Mudug ee ka soconaya magaalada Cadaado, marka uu shirkaa soo dhamaadana sidda ugu dhaqsiyaha badan loo guda-gali doono dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

“Maamul u sameynta gobollada dhexe waa ay socotaa, waad ogtihiin shir ayaa ka soconaya magaalada Cadaado, xukuumada aan hogaamiyo guul ayeey u tahay in uu shirkaa furmo, maxaa yeellay waqti ayeey arrintaa nagu qaadatay, waxaana rajeynaynaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan natiijo uga soo baxdo,, intaa kaddib waxaa inoo qorsheysan dhismaha maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe” ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Inkastoo ra'iisal wasaaraha uu ka dhawaajiyay go'aanka dowladda ee ah dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, ayaa hadana dhinaca kale waxaa soo ifbaxaya dood arrintaa ka taagan, maadaama ay jiraan siyaasiyiin iyo wax-garad ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo qaba in madaxweynihii hore  Shariif Sheekh Axmed Tikireeto ku magacaabay gobolka Shabeellaha sare oo ka farcamay gobolka Hiraan, sidda daraadeed dastuurku aqbalayo dhismaha maamul ka kooban labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha sare.

Ugu dambeyn, RW Sharma'arke ayaa dhinaca kale sheegay in xukuumadiisu mudnaan gaar ah siineyso ammaanka dalka oo dhan, isagaoo ka dalbaday Shacabka in ay la Shaqeeyaan hay'adaha nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya