4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 15, 2014
Buug ka Hadlaya XADKA RIDDADA oo Lagu soo Ban-dhigay Nairobi (SAWIRRO)


Isniin, September 15, 2014 (HOL) — Buug cusub oo ciwaan looga dhigay (XADKA RIDDADA MAXAA KA RUN AH) isla markaasna lagu soo koobay qoraalo ka hadlaayo xadka riddada, qeexitaana ku sameynaayo ayaa shalay lagu soo bandhigay magaalada Nairobi.

Buuggaas oo uu qoray Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil oo ah dhaqaalo-yahan horay u qoray shan buug oo kale, ayaa wuxuu ku soo koobay mowduucyo ka hadlaayo; Qeexidda Riddada. Xumaha iyo taariikhda gaaleynta Muslimiinta, Dagaalladii Riddada - Xadka Riddada, Xukunka Ilmaha riddooba, Riddada iyo Siyaasaddeynta Diinta iyo waliba Cilmi baaris kale.

Qoraaga ayaa ka hadlay sababaha ku dhaliyay in xiligaan uu qoray buugga (Xadka Riddada) iyo sababaha ku dhaliyay asagoona su’aallo qaarkood Diini ah oga jawaabay dadkii ka qeyb galay xafladii lagu daah-furay Buuggaas.

“Muhiimada Buuggaan uu xambaarsan yahay waxey tahay in la fahmo mowduucyada ku qoran oo ay ka mid yihiin sida qof loo riddeyn karo ama uu diinta oga bixi karo, waxaana ognahay in dhibaatooyinka Somalia ka jirto ay ka mid yihiin in diinta lagu baneysto dhiiga dad muslimiin ah oo la yiraahdo wey riddoobeen,  marka arrimahaas ayaa igu dhaliyay inaan qoro buuggaan “ayuu yiri CabdiSaciid Cabdi Ismaaciil oo ah Qoraaga Buugga, sidoo kalana sheegay inuu aaminsan yahay buuggiisa uu ku soo beegmaayo xili aad loogu baahan yahay.

Buugga oo ka kooban 132 bog, ayaa waxaa ku jiro 14 mowduuc oo kala duwan, kuwaasoo uu qoraagu ku soo arruuriyay cilmi baaris uu sameeyay. Sidoo kale qoraaga ayaa buuggiisa ku faah-faahiyay,  waxey shareecada Islaamku ka qabto dadka riddooba iyo fasiraad uu ku sameyay erayga Riddo.

Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil- Qoraaga Buugga cusub ee “Xadka Riddada” ayaa ah dhaqaalo yahan bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuu horay u qoray shan buug oo uu ka mid yahay buug uu qoray sanadkii 1996 oo ka hadlaayay hor dhaca dhaqaalaha Islaamka iyo buug kale oo ku saabsan Saboolnimada sida looga baxo oo uu qoray 2002.

Qoraaga oo mudo badan ku noolaa wadamada Khaliijka Carabta, ayaa wuxuu dhaqaalaha ku bartay Jaamacada Umul Qura ee Sacuudi Carabiya asagoona markii hore ka mid ahaa ardaydii Jaamacada Umada Soomaaliyeed.

Riddada oo inta badan qorayaasha Soomaaliyeed aynan buuggaag ka qorin, ayaa hadana waxaa jiro buuggaag Luuqada Carabiga lagu qoray oo oo ku saabsan Riddada. Waxaana ka mid buug uu qoray Sheekh Maxamed Qazaani Al Mucaazir oo u dhashay wadanka Masar- buugaas oo lagu magacaabo [Al Sunatu Abu-Nabawiyaha beyna Ahlul Fiqi wa Ahlul Al Anthaar].

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]   
Nairobi – Kenya