11/4/2014Talaado, 04 November, 2014 (HOL) :- Shirkaan jaraa'id ayuu gudoomiyaha uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin arinta dacwooyinka la xiriira dhulalka, dadka ka ganacsada walxaha dhacay iyo weliba dad uu sheegay in ay xaaluf ku hayaan dhirta.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in dacwooyinka la xiriira dhulalka ay soo noqnoqdeen, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka magaalada Kismaayo ku leh guryaha sharciyeeysan in ay mudo 6 bilood gudahood ah ku dhistaan boosaskooda hadii ay fulin waayaanna booska lagala wareegi doono.
"Waxaan ognahay in dad ka ganacsada raashiinka iyo dawooyinka dhacay ay magaalada joogaan, waxaan leenahay joojiya walxaha dhacay ee aad bulshada ka iibineeysaan, hadii aad ka waantoobi weeysaanna sharciga ayaa la idin horkeeni doonaa," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale digniin u diray dad uu sheegay in ay xaaluf ku hayaan dhirta, kuwaasoo uu sheegay in ay dhirta ay ku gubaan daafaha magaalada ayna ka sameeyaan dhuxul.
"Anagoo joogno in dhuxul lagu gubo daafaha magaalada oo aan marqaati ka noqonno ma yeeleeyno, dadka leh hanti ayaa naga gashay hore ayaan waqti ugu qabannay waa in ay deg deg u joojiyaan, hadii kale ciidan ayaan u diri doonnaa lagamana ogolaan doono in mardanbe ay dhirta gubaan," ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.
Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo in ay la shaqeeyaan maamulka, isagoo xusay in dhawaan ay canshuuro kusoo rogi doonaan xaafadaha magaalada, dadkana laga doonayo in ay u hogaansamaan awaamiirta maamulka.
...........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Gudoomiyaha degmada Kismaayo oo shir uu qabtay kaga hadlay dhowr arrin
More News
- Shirkada Albayrak oo sheegtay inay dowladda ku wareejisay Malaayiin doolar
- Xildhibaanno weydiistay danjire Kay inuu Raalli-gelin ka bixiyo hadal uu ugu Gefay (DHAGEYSO)
- Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo u digtey shirkadaha isgaarsiinta
- Beledweyne oo laga hadal-hayo khilaafka Madaxda dalka iyo Walaaca Dunida
- Xukuumadda Somalia oo Muqdisho ka Musaa-furisay Wariyeyaal Afrikaan ah
- Doorashada Minnesota oo loo Dareeray iyo Kaalinta Soomaalida (SAWIRRO)
- Siminnaar ku saabsan Xallinta Khilaafaadka oo ay CCA ku Qabatay Muqdisho.
- Xiisad Colaadeed oo Taleex ka Taagnayd oo dadaal loogu jiro in la soo Afjaro
- SIILAANYO: Shirka Copenhagen Waa mid Quseeyaa Soomaaliya (SAWIRRO)
- Cukuse oo amaro kusoo rogay xarumaha saxaafada & SOLJA oo ka hadashay
- Safiirka Turkiga u Fadhiya Somalia oo booqasho ku yimid Garowe (SAWIRRO)
- Guddoomiyaha KULMIYE oo sheegay in xeerkii Muranku ka dhashay la saxay
- Hay'adda culummada oo ku baaqday in khilaafka lagu xalliyo Diinta Islaamka
- Dhallinyaro Midiyo ku hubeysan oo degmada Hodan ku dilay qof haweeney ah
- Wafdi ka socda Hay'adaha QM oo Booqday Degmada Garbahaarey ee G/Gedo