4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
Sagaal qof oo ku geeriyooday dagaallo ka dhacay xerada Qoxootiga Kaakuma


Isniin, November 03, 2014 (HOL) — Inta la og yahay sagaal qof oo qaxooti ah ayaa lagu dilay, tiro kalana waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay xerada Qoxootiga Kaakuma ee dalka Kenya.

Dagaalladan ayaa markii hore wuxuu u dhaxeeyo labo qabiil oo ka soo wada jeedo wadanka koonfurta Sudan, kuwaasoo kala ah Nuer iyo Dinka balse markii dambe ayuu dagaalku ku faafay qaxootiga ka soo jeedo bartamaha qaarada africa kadib markii dad laga dilay.

Taliyaha hogaamiyo qeybta Ciidamada Booliska ee Xerada Kakuma Daniel Nyabuto, ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu talaadadii aynu soo dhaafnay ka bilowday gabar 16 jir ah oo ka soo jeedo qabiilka Nuweerka oo uu damcay inuu kufsado wiil u dhashay qabiilka Dhingaha oo labadu ka soo wada jeedaan Koonfurta Sudan. kadibna ay dad iska dileen.

Balse dagaalka ayaa hada saameeyay qowmiyadaha kale ee ka soo jeedo wadamada Congo, Burundi iyo Rwanda, kadib markii nin u dhashay wadanka Rwanda uu si anana ula kac aheyn Mooto ugu dhuftay gabar u dhalatay South Sudan, taasina ay keentay in siyaabo kala duwan dhibaato loo gaarsiyay qaxooti ka soo jeeday wadamo ku yaallo bartamaha Africa.

Taliyaha Ciidamada Booliska, ayaa sidoo kale xaqiijisay in Boqolaal ka mid ah qaxootiga ka soo jeedo wadamada Congo, Burundi iyo Rwanda ay ka qaxaan xaafadaha Kakuma Saddex iyo Kakuma afar, ayagoona miciin biday Kaniisado iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin meel ilaa 10 Kilometer u jirto halkii ay daganaayeen.

Sagaalka qof ee ilaa iyo hada la xaqiijiyay dhimashadooda, ayaa sida uu Hiiraan Online u sheegay Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaalida Kakuma Aadan Maxamuud Warsame (Aadan Baari) waxey kala yihiin Lix qof oo ka soo kala jeedo qabiilada is dagaalsan ee Koonfurta Sudan iyo Saddex qof oo Congolese ah.

Aadan Baari, ayaa sidoo kale sheegay in nin Soomaali ah ay garaaceen rag ka soo jeedo Koonfurta Sudan balse ay markii dambe ay raalli galin ka bixiyeen ayagoona sheegay iney ku qaldoomeen.

Guddoomiyaha Xerada Qaxootiga Kakuma Bernard Ole Kipury, ayaa isna sheegay in dadkii dhaawaca uu soo gaaray la geeyay goobaha caafimaad ee ay maamulaan Guddiga gurmadka caalamiga ah ee IRC.

Qaxootiga ka soo jeedo Koonfurta Sudan, ayaa wararku waxay sheegayaan iney ku hubeysan yihiin Tooreeyo, Baangado, Waramo iyo Falaaro isla markaasna ay wali u dhaxeyso cadaawad xaga maamulka ah oo ka dhacday wadankooda horaantii sanadkaan.

Qofkii ugu dambeyay ee lagu dilay Xerada Qaxootiga Kakuma , ayaa ahaa nin u dhashay wadanka Congo oo shalay ay dileen dhalinyaro hubeysan oo South Sudan ah.

Dowlada Kenya ayaa ciidamo badan u dirtay xerada Kakuma si ay u kala dhex galaan qaxootiga halkaas ku dagaalamaayo, waxaana la xiray dad badan oo lagu eedyay iney fowdo wadeen.

Dhanka Soomaalida:

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jiro Xerada Kakuma, ayaa waxey lagu qiyaasaa 65 kun sida uu sheegay Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaalida Kakuma, kuwaasoo badankooda degan xaafadaha Kakuma one, Kakuma two iyo Kakuma Three.

Waxeyna leeyihiin Suuqa ugu weyn Kakuma oo ku yaallo xaafada Kakuma one. sidoo kale Soomaalidu waxey leeyihiin goobo Ganacsi, goobo Caafimaad iyo waliba Xawaalado.

Intii ay socdeen dagaaladaas, ayaa waxaa hoos u dhacay ganacsigii Soomaalidu ay ku lahaayeen Kakuma kadib markii ay qaxeen dadkii u soo dukaameysi tagi jiray suuqaas, isla markaasna la xiray goobo badan oo ganacsi xili laga cabsi qabay in la boobo.

Maxamed khadar Xasan Mire, waa Ganacsade Soomaaliyeed oo dukaan ku leh Kakuma wuxuuna ii sheegay in xiliyada qaar aynan furin goobahooda ganacsi, asagoona tilmaamay iney ka baqayaan boob loo geysto hantidooda.

"Xiliyada habeenkii waxaan shaqeyn jirnay ilaa 10-ka habeennio laakin hada lama shaqeeyo, waxaa kaliya oo socdo habeenkii askar kala ceyrineyso dhalinyarada fowdada wado, waxaan xirnaa goobaheena ganacsi xili hore sidoo kale maalintiina ma jiraan dad badan oo wax naga gato, dadkuna cabsi ayey guryahooda la galeen, qaarna meelo fog ayey u qaxeen" ayuu yiri Maxamed Khadar.

Xerada Kakuma oo ku taallo Waqooyi Galbeed dalka kenya, ayaa waxaa ku jiro Qaxooti aad u tiro badan oo ka soo kala jeedo wadamada Soomaaliya, Ethiopia, Eritrea, South Sudan, Congo, Burundi, Rwanda iyo wadamo kale.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi – Kenya