4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Jubba oo ka Hadlay Howl-gallada Socda
Isniin, 04 November, 2014 (HOL) :- Madaxweeyne ku xigeenka 1-aad ee maamulka Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay laba jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka wadaan Jubooyinka.

Madaxweeyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhawaan ciidamadooda ay gacanta ku dhigeen dhul ballaaran oo ku yaal waqooyiga iyo galbeed gobolka J/hoose, isagoo xusay in howlgalladu ay sii socon doonaan inta ay gacanta uga dhigayaan guud ahaan gobollada Jubooyinka oo qeybo badan oo ka mid ah ay ku suganyihiin Al-shabaab.

Mudane Fartaag ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka in ay ciidamadooda kala shaqeeyaan dhinacyada nabadgelyada.

Maamulka Jubba ayaa wada howlgallo ballaaran oo ka soconaya guud ahaan Jubooyinka kuwaasoo ay ku doonayaan in xoogagga Al-shabaab ay uga saaraan deegaanada ay kaga suganyihiin Jubooyinka, waxaana howlgalladani ay imika ka soconayaan deegaano hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka J/hoose.

Hadalkan kasoo yeeray madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa imaanaya xilli inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya ay ka soconayaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya