4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 3 , 2014
Gudoomiyaha Dharkeynley oo sheegay inay Raadinayaan kuwii dilka geystay
Isniin, 04 November, 2014(HOL) :- Maamulka degmada Dharkeeleey ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan dadkii ka danbeeyay dil kooxo hubeeysan ay shalay gudaha degmadaasi ugu geysteen laba gabdhood oo macalimiin ah.

Fatxi Maxamuud Maxamed iyo Faadumo Maxamuud Cumar ayay shalay toogasho ku dileen kooxo hubeeysan, iyadoo kooxahaasi ay u suurogashay in durba ay goobta isaga baxsadaan, waxaana labadani gabdhood ay dhawaan ka qalinjabiyeen qaar kamid ah Jaamacadaha Muqdisho, iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay wax barayeen carruurta aan gaarin da'da iskuulka.

Gudoomiyaha degmada Dharkeenleey Mudane Aadan Max'ed Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda oo kaashanaya kuwa Booliska ay ku raadjoogaan raggii ka danbeeyay dilka loo geystay gabdhahaasi.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in baaritaannada ay meel wanaagsan marayaan, wuxuuna ka codsaday shacabka ku dhaqan degmadaasi in ay la shaqeeyaan maamulka iyo ciidamada islamarkaana ay ku soo wargeliyaan cidii ay ka shakiyaan.

Dilalka caynkan oo kale ah ayaa aalaaba ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo kooxaha dilalka fuliya ay inta badan u suurogasho in ay baxsadaan iyagoo bad qaba.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya