4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2014
Danjire Nick Kay oo Dadka Soomaaliyeed u Rajeeyay Ramadaan Wanaagsan


Sabti, June 28, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire  Nicholas Kay ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed oo isku diyaarinaya sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fadliga Ramadaanka.

Warsaxaafadeed uu ergaygu soo saaray ayuu dadka Soomaaliyeed ugu rajeeyay inay si wanaagsan uga faa’iideystaan fadliga bisha Ramadaan, isagoo u rajeeyay shacabka inay si farxad leh isugu yimaadaan xilliyada afurka iyo salaadaha.

“Ramadaan waa waqti ay qoysaska iyo bulshaduba isla wadaagaan farxad iyo rayn-rayn marka ay isugu yimaadaan afurka iyo salaadaha. Waa waqti la yeesho fikir qoto-dheer iyo dib-u-heshiisiin, laguna xusuusto dadka danta yar ee liita,” ayuu ergaygu ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale, wuxuu warbixintiisan ku sheegay in bishan awgeed uu Soomaalida oo dhan xusuusinayo in nabadda, sinnaanta iyo naxariistu ay yihiin kuwa keliya ee isku xiri kara, isagoo ku boorriyay inay ka hortagaan wax kasta oo ku keeni kara kala qaybsanaan.

“Anigoo tan rumaysan, waxaan dhammaan shacabka Somalida iyo qoysaskooda u rajaynayaa bil Ramadaan oo nabad ah oo barakaysan,” ayuu mar kale yiri, isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay RAMADAAN KARIIM.

Hadalka danjire Nicholas Kay ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo sidoo kale ay u rajeeyeen shacabka Somaaliyeed nabad iyo Ramadaan wanaagsan taliska AMISOM iyo dowladda Mareykanka.

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa si rasmi u sheegay inay maalinta berri ah tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan oo ka mid ah tiirarka Islaamka, lagana doonayo inuu guto qof walba oo muslim ah oo caafimaad qaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya