MAAMULKA PL: " waa waajib dastuuri ah inaan difaacno deegaanadeena"
Khamiis, June 12, 2014 (HOL) — Kaddib markii maanta ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay la wareegeen degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa waxaa arintaas si kulul uga hadlay Maamulka Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo nuqul kamid ahi uu soo gaarey Hiiraan Online, ayaa lagu sheegay in Puntland intaas ka badan aysan u dulqaadan doonin wax lagu tilmaamay duulaan qaawan oo Maamulka Hargeysa uu deegaano Puntland ka tirsan kusoo qaaday.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo af-hayeenka Puntland C/Laahi Maxamed Jaamac Quraan-Jecel uu ku saxiixnaa ayaa u qornaa sidan.
WAR SAXAAFADEED
1, Waxay dawladda Puntland la socod siineysaa beesha caalamka in maamulka Somaliland uu duulaan qaawan ku soo qaadey 10 june, 2014 degmooyinka Taleex iyo Xingalool oo ka tirsan dhulka Puntland.
2- Duulaankaas gardarada ah wuxuu sababay barakac baahsan oo ka socda deegaamadaas.
3- Dawladda Puntland waxay mar kale u caddeynaysaa ummadda Soomaaliyed, dawladaha dariska ah iyo beesha caalamka in maamulka Somaliland mar kasta oo ay duulaan kusoo qaadaan dhulka Puntland ay weheliyaan howgalo ay ku taageerayaan ururka Al -shaab ee argagixisada ah si ay uga fuliyaan gudaha Puntland falal argagiso.
4- Ugu danbeyn dawladda Puntland waxay diyaar u tahay iyadoo fulineysa waajibaadka dastuuriga ah in ay difaacdo dhulkeeda iyo dadkeeda.
5- Waxay kale oo ay dawladda Puntland u direysaa baaq nabadgalyo iyo in la joojiyo colaadaha ku soo noqnodey gobolka shabeelada hoose iyo kuwo ka soo cusboonaadey gobolka Galguduud in lagu dhameeyo colaadahaas wado hadal,
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
More News
- Duqa Muqdisho: Waan ka qaybgalayaan daminta colaada Shabeellada Hoose
- Faahfaahin ku saabsan Qarax Maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho
- Iska-horimaad shacab iyo Ciidamada Dowladda ku Dhex-maray Mahadaay
- Xaruntii Guriga Gobolka J/Hoose oo Maanta Xarigga laga Jaray (SAWIRRO)
- Ra’iisul Wasaaraha oo furay Shirkii Saddexaad ee Higsiga Cusub (SAWIRRO)
- Wafdi ka socda Wasaarada Arrimaha Gudaha Somalia oo gaaray Beledweyne
- Dowladda oo sheegtay in Dib-u-eegista Dastuurka ay ku dhacayso si Hufan
- GOODAX: “Waxaa naga go’a inaan nabad dhex-dhigno beelihii dagaallamay”
- Ciidanka Somaliland oo ka hadlay Tagitaankooda degmada Taleex ee G/Sool
- Anaadiif oo soo dhaweeyay gudoomiyeyaal ay magacowday dowlada Somalia
- Koobka Adduunka oo Maanta ka Furmaya Brazil iyo Amniga oo la adkeeyay
- Shir looga Hadlay Qorshaha Wasaaradda Beeraha oo Nairobi lagu Qabtay
- Ciidanka Somaliland oo dul-dagay Taleex iyo Xubnihii Khaatumo oo ka baxay
- JEN. MUUN-GAAB: Shacabka Muqdisho waa inay la dagaalamaan Al-shabaab
- Kooxo hubeysna oo Weeraray Saldhgyo Ciidan oo ku yaalla Deegaanka Aatto
- C/weli Sheekh oo la kulmay Dessalegn kalana Hadlay Qalabeynta Ciidamada