4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 31, 2014
Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Garbahaareey


Khamiis, July 31, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow gaaray degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, booqashan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu ku tago gobolkaas.

Garoonka degmada Garbahaareey ayaa waxaa kusoo dhaweeyay maamulka iyo shacabka degmada, iyadoo madaxweynuhu uu salaam-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wuxuu salaam la dhex-maray shacabkii iyo mas’uuliyiintii kusoo dhaweeyay xarunta gobolka Gedo ee Garbahaareey, isagoo sheegay in booqashadiisa ay xiriir la leedahay sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda gobolka iyo tan degmada.

Ammaanka degmada Garbahaarey ayaa waxaa si aad ah u adkeeyay ciidan isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana wafdiga madaxweyne Xasan kaga sii horreeyay degmadaas ilaaladiisa gaarka ah ee Soomaalida iyo AMISOM isugu jira.

Waxaa lagu wadaa inuu la kulmo maamulka gobolka iyo kan degmada sidoo kalena uu la kulmo qaybaha bulshada iyo waxgaradka, inkastoo muddada uu joogayo degmada aan weli wax war ah laga hayn.

Wixii kasoo kordha booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya