4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 23, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya & AMISOM oo ka hadlay dilkii Xildhibaanad Saado

Arbaco, July 23, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo sii hayaha xilka ergayga ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaliya iyo madaxa AMISOM, Lydia Wanyoto Mutende ayaa si adag u cambaareeyay dilkii xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo darawalkeedii maanta loogu geysty Muqdisho, kaasoo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

Xasan Sheekh iyo Lydia Wanyoto ayaa qoraallo ay si kala gooni-gooni ah u soo saareen waxay tacsi ugu direen qoyskii, ehelladii, qaraabadii, xildhibaanada baarlmaanka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay marxuumad, xildhibaan ahaydna fannaanad Soomaaliyeed, Saado Cali Warsame.

"Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajucuun, geeridu waa xaq, waxaan Eebbe uga baryayaa marxuumiinta inuu samir iyo iimaan naga siiyo; iyagana uu Jannadiisa Fardowso ka waraabiyo," ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu soo saaray.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kooxaha nabadda kasoo horjeeda aysan ka leexin karin dadaalka ay kusoo celineyno nabadda dalka iyo horumarkiisa. Isagoo shacabka ugu baaqay inay hay’adaha amniga kala shaqeeyaan sidii loosoo qaban lahaa kuwii ka dambeeyey falkan foosha xun, si sharciga loo marsiiyo.

Sidoo kale, Lydia Wanyoto ayaa sheegtay in geerida marxuumadda iyo darawalkeeddii ay aad uga uga xanuunsatay, ayna dileen kooxo aan doonayn in Soomaaliya ay horumar gaarto.

"Xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, waa kuwo ku hadla shacabka Soomaaliyeed, weerar walba oo lagu qaadanaya waa weerar lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed, waana mid aan mid aan loo dul-qaadan karin," ayay Lydia ku tiri war-saxaafadeed ay soo saartay.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay AMISOM diyaar u tahay inay sare u qaaddo ammaanka si looga hortago falalka gurracan ee lagu dilayo mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya. Iyadoo ugu baaqday ciidamada ammaanka Soomaaliya inay dadaal u galaan sidii ay ku joojin lahaayeen shirqoollada lagu ugaarsanayo mas'uuliyiinta dowladda iyo weerarrada ka dhacaya Muqdisho.

Lydia Wanyoto waxay sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in la dilo sannadkan 2014 oo keliya afar xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan; dilalka xildhibaannadaas oo ay sheegatay Al-shabaab.

Marxuumad Saado Cali Warsame ayaa ahayd heesaa si weyn looga yaqaanno Somaaliya, waxayna ku nooleyd dalka Mareykanka ka hor intii aysan kusoo biirin baarlamaanka Soomaaliya sannadkii 2012-ka, iyadoo noqonayso xildhibaannadii haween ah ee ugu horreysay oo la dilo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya